Gudoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho kusoo wajahan

0
Friday May 15, 2020 - 13:44:40 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho kusoo wajahan

    Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta diyaarad gaar kasoo raacay halkaasi aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta diyaarad gaar kasoo raacay halkaasi ayagoo kusoo wajahan dalka.

Masuuliyiinta oo howlo shaqo u aaday Turkiga ayaa ku go'doomay halkaasi kadib markii cudurka safmarka ah ee COVID19 uu sabab u noqday in duulimaadyadii caalamka kala xirxirmaan.

Masuuliyiinta oo hore u shaacisay in ay xiranyihiin kulamadii Baarlamanka sababo la xiriira cudurka Corona ayaa iman doona Muqdisho, waxaana horyaal arrimo badan oo looga fadhiyo Baarlamanka oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha doorashooyinka.

Masuuliyiintaan waxaa safarka ku wehilya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan Labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc