Al Shabaab oo beenisay War lagu qoray Wargeyska caanka ah ee La Repubblica

0
Thursday May 14, 2020 - 13:06:49 in Maqaallo by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo beenisay War lagu qoray Wargeyska caanka ah ee La Repubblica

    Al Shabaab ayaa beenisay warbixin dhawaan lagu daabacay Wargeys kasoo baxa dalka Talyaaniya oo qoray in uu wareysi gaar ah la yeeshay Afhayeenka guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa beenisay warbixin dhawaan lagu daabacay Wargeys kasoo baxa dalka Talyaaniya oo qoray in uu wareysi gaar ah la yeeshay Afhayeenka guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wargeyska La Repubblica ayaa sheegay in Afhayeenka Al Shabaab wareysi ay la yeesheen ugu xaqiijiyay in lacag badan oo madax furasho ah ka qaateen Silvia Romano oo dhawaan afduub loo heestay laga sii daayay kuna laabatay dalka Talyaaniga.

Waxa uu qoray Wargeyska in Sheekh Cali Dheere u sheegay in lacagta madax furashada ah ee ka qaateen gabadha Talyaaniga in ay hub ku iibsan doonaan sidoo kale ay ku iibsan doonaan cunooyin iyo daawooyin si jihaadka ugu hormariyaan.


Xafiiska Warbaahinta Al Shabaab ayaa been abuur iyo waxbo kama jiraan ku tilmaamay wareysiga la sheegay in ay la yeesheen Afhayeenka Al Shabaab, waxaana xafiiskan xaqiijiyay in uusan jirin wax wareysi ah oo Cali Dheere siiyay wargeyskan.

” Ma jiro wax waraysi ah oo uu afhayeenka Xarakadu siiyay guud ahaan warbaahinta oo ku saabsan arrinta Caa’isha Romano hadalka wargeyska Talyaaniga ah ee La Repubblica uu soo daabacayna waa been abuur uu wargeysku jeebkiisa kala soo baxay” ayuu yiri sargaal katirsan xafiiska Warfaafinta Al Shabaab.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa marar badan daabacay wareysi ay sheegeen in ay la yeesheen xubno sar sare oo katirsan Al Shabaab , mana jirin cadeymo ee warbaahinta soo bandhigeen oo ku aadan jiritaanka wareysiga ee ka qaadeen masuuliyiinta Al Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc