Qadar Airways oo bixinaysa Boqol Kun oo Tikidh lacag la'aan ah

0
Wednesday May 13, 2020 - 14:20:34 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qadar Airways oo bixinaysa Boqol Kun oo Tikidh lacag la'aan ah

    Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways ayaa shaaca ka qaaday in ay bixineyso Boqol kun oo tikidh lacag la'aan ah, tikidhadan ayaana ah duulimaad caalami ah oo lagu tagi karo dhamaan magaalooyinka caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways ayaa shaaca ka qaaday in ay bixineyso Boqol kun oo tikidh lacag la'aan ah, tikidhadan ayaana ah duulimaad caalami ah oo lagu tagi karo dhamaan magaalooyinka caalamka.

War kasoo baxay Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways ayaa lagu sheegay in tikidhadan lacag la’aan ah la siinayo dhaqaatiirta safka hore kaga jirta la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Caronavirus.

Tikidhada lacag la’aanta ah ee bixineyso Qadar Airways ayaa dalbashadeeda waxa ay ku egtahay 18-ka bishan May, waxaa sidoo kale tikidhadan dalban kara kana faa’iideesan kara qoysaska shaqaalaha caafimaadka ee dadaalka ku bixinaya cirib tirka Caronavirus.


Shirkada Qadar Airways ayaa hada duulimaadyo ku tagta ilaa 30-magaalo oo caalamka ah, waxaana la filayaa in dhamaadka bisha soo socota ee June in diyaaradaha shirkadan duulimaadyo ku tagto ilaa 80-magaalo oo caalamka ku kala yaala.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc