DENI oo Beesha caalamka hordhigay Dalab culus oo ka dhan ah RW Kheyre

0
Tuesday May 12, 2020 - 13:17:03 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DENI oo Beesha caalamka hordhigay Dalab culus oo ka dhan ah RW Kheyre

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir Puntland ay ka codsatay Beesha Caalamka oo uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeybgalay Ra'iisal Wasaare Xasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir Puntland ay ka codsatay Beesha Caalamka oo uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeybgalay Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa looga hadlayey sidii looga falcelin lahaa fatahaadii ka dhacday Qardho ee dadka faraha badan ku barakaceen kuwo kalena ay ku dhinteen.

Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay iney muhiim tahay in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ku dhibaateysan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar,halkaas oo daadad xooggan ay ku dhufteen.


Madaxweyne DENI ayaa Beesha caalamka ka dalbaday in Ra’iisal wasaare Kheyre lagala hadlo sidii taageerada Dowladda Federaalka u soo gaari lahayd Shacabka Qardho.

Dowladda Federaalka ayaa hal milyan oo dollar ugu deeqday Puntland si wax looga qabto daadadka Qardho ee gobolka Karkaar.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc