Daacish & Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Boosaaso

0
Monday May 11, 2020 - 12:35:52 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish & Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Boosaaso

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Laamaha Amniga gobolka Bari ay xabsiga dhigeen ilaa saddex ruux, oo looga shakisanyahay malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Laamaha Amniga gobolka Bari ay xabsiga dhigeen ilaa saddex ruux, oo looga shakisanyahay malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa warbaahinta u sheegay  in gacanta lagu dhigay saddex ruux oo looga shakisanyahay dagaalamayaasha  Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku ka fuliyeen  Boosaaso.

Saraakiisha ayaa sheegaya, in baaritaan lagu wado saddexdaasi xubnood ee lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka, islamarkaana aan si buuxda loo caddayn eedaymaha loo haysto.


Sidoo kale, maalin ka hor, Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay weerar ay soo qaadeen dableey hubaysan oo ka tirsana Daacish, kuwaas oo midkood ciidanku toogasho ku dileen, halka kii kale oo sarkaal sare ahaana dhaawac lagu qabtay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc