Nin doonayay in uu dilo Sargaal booliis oo shacabka Muqdisho qabteen

0
Sunday May 10, 2020 - 18:05:57 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin doonayay in uu dilo Sargaal booliis oo shacabka Muqdisho qabteen

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirada nin hubeesan oo shalay isku dayay in uu dilo sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana ninkan gacanta ku dhigay dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirada nin hubeesan oo shalay isku dayay in uu dilo sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana ninkan gacanta ku dhigay dad shacab ah.

Ninkan hubeesan ayaa rasaas la dhacay sargaal katirsan ciidanka booliiska oo ku sugnaa laamiga Saybiyaano ee degmada Hodan , waxaana ninkan xili uu doonayay in uu baxsado gacanta ku dhigay shacabkii goobtaasi ku sugnaa una wareejiyay laamaha amaanka.

Sida aan wararka ku helnay sargaalka ciidanka booliiska ayaa dhaawac kasoo gaaray rasaasta uu huwiyay ninkan hubeesan, waxaana sargaalka dhaawaciisa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa noqoneysa midii ugu horeesay ay ku dhiiradaan shacabka Muqdisho oo ku aadan in ay qabtaan nin doonayay in uu dil geesto, halka markii hore kooxaha hubeesan inta dil geestaan si caadi dadka u dhax mari jireen iyaga oon cabsi ka muuqan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc