Sheikh Shariif oo banaanka soo dhigay Heshiiska Qarsoodiga ah ee DF & Itoobiya
Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsan AMISOM ay joogaan qeybo ka mid ah dalka, isagoo dowlada ka dalbaday iney tafaasiil ka bixiso arrintaas.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu sheegay in uu tuhunsan yahay in uu jiro xiriir ka dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaiya iyo Kuwa Ethopia,madaama kuwa Dowladda aysan ka hadlin kiiska dhacay.

Hoos ka akhriso qoraal Shiikh Shariif
Howlgalka nabad ilaalinta Amisom waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda.
Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan.
Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Amisom qaanuun dowli ah oo howlgalkooda xakameeynaya ayaa jira, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad.
Tallaabadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka.
Waxaan ku baaqaynaa in barlamaanka uu qaato doorkiisa korjoogteynta hay’adaha fulinta, wadanka lagu maamulo siyaasad daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.