Ahlu suna oo soo laba kacleysay & Macalin Maxamuud oo arrin lama filaan shaaciyay

0
Sunday May 10, 2020 - 12:49:00 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu suna oo soo laba kacleysay & Macalin Maxamuud oo arrin lama filaan shaaciyay

    Hoggaamiyaha Ahlu sunadii looga awood roonaaday gobolka Galgaduud Macalin Maxamuud Sheikh Xassan aalada is gaarsiinta kaga qayb galayay Munaasibad lagu xusayo Shuhadadii Ahlusunna oo ka ka dhacday Masjidka Raqayda ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Ahlu sunadii looga awood roonaaday gobolka Galgaduud Macalin Maxamuud Sheikh Xassan aalada is gaarsiinta kaga qayb galayay Munaasibad lagu xusayo Shuhadadii Ahlusunna oo ka ka dhacday Masjidka Raqayda ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa sheegay in ay deegaanka buux dhaafiyeen kooxo Takfiir ah , dilka macno darada ah ayaa batey waana lagu baraarugey xaalada jirta ayuu raaciyay "

Macalin maxamuud ayaa intii uu hadlayay iska fogeeyay in Madaxda Ahlusunna damacoodu ahaa heysashada Kursiga iyo hanti aruursi , isagoo is dul taagey in ujeedkoodu ahaa sidii looga foojignaan lahaa fikirka Alshabaab iyo kooxaha bah wadaagta la ah , waxa uu tusaale usoo qaatey xuska uu ka qayb galayay ee lagu xasuusanayo ragii Alshabaab ka saaray deegaanka.

Macalin Maxamuud ayaa kooxdiisa ku laab qaboojiyay in guusha ay dhowdahay,islamarkaana ay Ahlu suna dib u muujineyso awoodeedii hore.


Ahlu suna ayaa dagaal dhiig ku daaday looga saaray magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay diidaan iney qeyb ka noqdaan Heshiiska Galmudug iyo dhismaha maamulka cusub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc