JAALIYADDA SOOMAALIYEED BARIGA SWITZERLAND OO SI RASMI AH LOO AQOONSADAY BILAA LAAKIINA LAAKIIN!!

0
Sunday November 10, 2019 - 06:13:21 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JAALIYADDA SOOMAALIYEED BARIGA SWITZERLAND OO SI RASMI AH LOO AQOONSADAY BILAA LAAKIINA LAAKIIN!!

    Jidin wuxuu caddaadaa, ama oonku jabiyaa, markaad jeex abaariyo, jiscin la'aan u gaysana, jabka kaa ka sii daran jacaylow, miyaan xalayta jiifsaday, jirjiradaba miyaan dhigay, riyaad igula joogtayo adna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jidin wuxuu caddaadaa, ama oonku jabiyaa, markaad jeex abaariyo, jiscin la'aan u gaysana, jabka kaa ka sii daran jacaylow, miyaan xalayta jiifsaday, jirjiradaba miyaan dhigay, riyaad igula joogtayo adna.

Sida furfurashadeenu suugaanta qabka leh macnaha culus ku seemaalan aad ka dhamhin karaysaan dulucda bandhiggeena qormada leedda-fuulka ku sidqan xaqsoorka gunudaysa gacantogaalaysiga qaabka daran dallad shuraako kolkii ay maamuuskay la lahayd maangalku maariyaadday muqbaarad sideedi maalayacni ku mitashay loogana maara waayay inay miirqab ula macaamisho mushtamaca mamfacaddeedu miisaankii aayer loogu wada miiso miftaaxiiba ay qudheedu isku dhajisay madanaheedu wadato bulshadii ay mishiinadu ku shidmeen misexdu holacday "maya, maya" ay madaxdii maqashiyeen, ayay meeriskeedi ka talaabeen masuuliyintii dalka martida lagu yahay, taaso keentay in haatan xaflad heer caalami ah soomaalida bariga waddanka switzerland jaaliyad ay u dhan yihiin iyo saraakiisha ugu sarsaraysa dalka ay si wadajir ah u qabtaan barnaamijka is-dhdexgalka afka qalaad loo yaqaan (integration) kaaso u gaar ahaa kaliya dowlladda waddanka iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed  dhamaantooda deggan carigan.
Xafladdan xirfadaysanayd si qorshaysan ay uga soconaysay xarunta gobolka St.Gallen, waxaa fasiraad iyo sharaxaad dhaadheer laga baxshay macnaha dhabta ah isdhexgalka iyo ujeeddooyinkiisi ku wada-noolaanshiyaha waddanka si nabad iyo is-ixtiraam leh, iyado ruux waliba xuquuqdiisi aas-aasiga ah af iyo addinba la dhawriyo, hadday noqon lahayd sida>goobaha dadweynuhu ku kulmaan, iskuulaadka, shaqooyinka, jidadka, isbitaallada, suuqyada, gadiidka dadweynaha, bay'ada iyo xaafadaha la wada deggan yahay, meelaha loo cibaado tago, qubuuraha, xarumaha dalxiiska, madaarada diyaaradaha, garoomada ciyaaraha iyo wixii la halmaala, waxaana kulankan oo ay dad farabadan isugu yimaadeen ka hadlay masuliyintii dalka ee uu ugu horeeyay Mudane C.Graf iyo Mudnae P. Widrig oo labaduba ah saraakiil ka tirsan bilayska waddanka konfederaalka Iswitsarlan, kuwaaso ku fogaaday qodba qodbaynta muhiimadda Integration-ka, islamarkaana amaan balaaran u soo jeediyaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga Switzerland ka curatay si xaqsoor lehna loogu doortay madax dhallinyaro ah miskex furan una kala eexanaynin bulshada Soomaalida oo caddaalad-daradu in badan la degtay.
Waxaa sido kale madashan ka hadlay Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga dalka Switzerland Mudane Xuseen Maxamed Qoorleexshe oo runtii aad ugu nuuxnuuxsaday hawlihii adkaa ee laga soo maray dhisidda jaaliyadda iyo muhiimadda uu (Intergration)-ku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo 8-da milyan reer Swisska ah ku kala nool 26-ka gobol ee uu waddankani ka kooban yahay, iyado Dr Cabdullaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo si weyn looga garanayo dalkan ku yaal bartmaha qaaradda yurub ahna suxufi weyn uu khudbad dheer luuqadda Jarmalka ku baxaysay ka jeediyay masraxa, taaso uu dowlladda iyo Soomaalidaba ugu kala dhigdhigayay qibraddiisi macnaha ereyga (Integrtaion) isdhexgalka iyo hab dhaqandhaqankiisuba, si dadka aan fahamsanayn bac loogu sii xirin luuq loogu oodan cadow loo tusin mushtamaca ay la nool yihiin martida u yihiin kuwa fahamsanna macnaha ereygan aysan liidkii loogu talagalay u sii dhaafin, sifo aysan u dhicin ka badbadin dhibaatooyin laga baaqsan karay soo waarida, ee aan loo baahnayn marna in ay illinka ka soo galaan, taaso u baahnaanaysa waqti iyo xoog dheeri ah lagaga hortagayo khataraha uunkan nabadda ku jooga aanay mudnayn in lagu mishquuliyo, maadaama baladu aan la taabanon toosin nabadduna lagu tarmayo, iyado Dr Amaandhoorey uu aad uga sheekeeyay nidaamkii iyo burburkii kacaankii keligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre Soomaaliya ka jiray ku dhowaad muddo 30 sanadood kahor iyo waxa sabab u ah burburka dalka iyo waliba sababta dadyowga Soomaalida ah keenay qurbaha, taaso u baahan in wax laga barto hab-raacyada iyo dhawrista shuruucda iyo xuquuqaha aadmimiga sida kan Switzerland oo kale, isagoona hambalyo iyo bogaadinba u diray jaaliyaddii ugu horaysay ee loo dhamaa Soomaali leedahay bariga Switzerland dowlladduna haatan ay aqoonsatay madaxdeena iyo hawladaanadeeda Somali Community Ostschweiz.
Haddaan taariikh kooban yara milicsano, gobollada bariga waddanka Switzerland oo Soomaali boqolaal ah ku nool, maraandhaynba ma aysan lahayn jaaliyad loo dhan yahay oo la doortay, marka laga reebo midda maanta dowlladdu aqoonsatay ood aragtaan, waxaa uun gobolka ka jiray shaqsiyaad qawlaysata ah cid dooratay aanay jirin waraaqo intay xafiisyada gaysteen sidaasi magaca mushtamaca Soomaaliyeed ku maxaabsanayay una shaqaynayay qaab qabyaaladeed, waxaana jaaliyad la isku aamini karayo bulshadu ay si xor iyo xalaal ah u dooratay lana magac baxday Somali Community Ostchweiz guddoomiye ka ah 2.Mudane Xuseen Maxamed Qoorleexshe. 2.Gudoomiye-kuxigeen Mudane Daahir Maxamed. 3.Maamulka tasiilaadka iyo dhaqaalaha Mudane Cadnaan Xasan Cabdi. 4.Hoggaanka hooyada iyo dhallaanka Marwo Nimco Yaasiin.
Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo si rasmi ah loogu casuumay kulanka, waxaa ay kamaradaheedu qabanayeen sida aad muuqaaladeenu ka arki doontaan bulshadii goobta isugu timid oo aad ugu faraxsan shirkan jaaliyadda cusub Somali Community Ostschweiz sida tooska loogu aqoonsaday, waxaana xusid mudan arrinka soo jiidashada leh in saraakiishii ka socotay dowlladda kulanka qaybta ah ay si tooso furan Soomaalidu ay Su'aalo u waydiinayeen, islamarkaana si farxad ay ku dheehan tahay bilaysku iyana geestoodu ay uga jawaabayeen si qanaaca leh oo hufan, taaso inta badan waddankan horay aan uga dhicin, waxayna madaxda dowlladdu ay caadi ah ula sharaabayeen uguna dhex milnaayeen jaaliyadda Soomaalida bariga Switzerland, iyado aakhirkiina Somali Community Ostchweiz ay u garatay saraakiisha bilayska inay haddiyado qaali ah gudoonsiyaan, madaxdiina ay aad ugu faraxeen haddiyadaasi la siiyay.
Shirkan oo afafka Soomaaliga iyo Jarmalka lagu wada xirriirayay oo ay si wanaagsan u turjumaysan min bilow ilaa dhamaad Marwo Ilhaan Maxamed Aadan oo ah gudoomisada jaaliyadda Chur, waxaa saxaafaddu ay indhaheedu qabanayay Mudane Cabdullaahi Cali Jareere oo ah gudoonka ururka dhallinyarada samafalayaasha Soomaaliyeed ee bariga Switzerland kana mid ahaa qabanqaabayaasha shirkan oo aad u mishquulsanaa intii lagu gudajiray barnaamijkii Somali Community Ostschweiz iyo dowlladda Swisska, waxaana ugu dambayntii kulanku uu ku soo dhamaaday jawi aad u heer sareeya, taaso guul wayn oo u soo hoyatay ah guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan qurbajoogta bulshada ku nool bariga waddanka Switzerland.
Haddii meel barwaaqa, oo ay miraa ka muuqdaan, maanku kaaga maqanyay aanu midigtu gaarayn, mahadho mitiisaa miyir li'ii ku kiciso, haddii mayayga roob iyo mahiigaan dillaaco, maraga iyo jiicuna ay malab da'ayaan, markaadi matooriyo mangag ku haraadeen, maqnaato i mudato anna muusanabo, waa muur iyo waabay maraboob sideedi, nafta murugadeedaan la meeraysanayaayo, miidaame dhega maleh, hadduu malag dhawaaqe magansaday wadkaygii.
waxay taladu joogtaa ama hadal ku jaran yahay doqon waa la jiitaa amar Alle laakiin!! 
By. Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc