Xasan Mudey:- Dalku wuxuu ubaahan yahay isu tanaasul iyo qaanuunka oo loo hogaansamo.

0
Friday November 08, 2019 - 00:11:13 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Mudey:- Dalku wuxuu ubaahan yahay isu tanaasul iyo qaanuunka oo loo hogaansamo.

    Xasan Muuudey oo kamida lataliyayaasha madaxweynaha Hirshabelle state ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay talooyin uu lawadaagayay mas'uuliyiinta dalka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Muuudey oo kamida lataliyayaasha madaxweynaha Hirshabelle state ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay talooyin uu lawadaagayay mas'uuliyiinta dalka .


Wuxuuna u qornaa sidaan  :-

"Shirkii maanta kadhacay Muqdisho ee xisbiyada labaxay "Madasha qaran" waxaan dawaday qudbooyinkii laga wada jeediyay iyo warmurtiyeedka kasoo baxay uu jeedinayay Sanatar Ilyas Ali Hassan .

Waxaa dhamaan iiga muuqatay mas'uuliyiintii ka hadashay madasha ay ku kulansanaayeen midba midkale in uu adkaa hadallada ay jeedinayeen. 


Waxaa muuqata in siyaasadda dalka lagu sii kala fogaanayo, waana arrin curdun ku ah dalka in madaxweyneyaal xilalka isaga kala danbeeyay ay ka deyriyaan marxaladda uu dalku marayo. 

Waxaan anigu qabaa aragti ahaan sedex qodob oo aan horay warbaahinta ula wadaagay in aan ku celiyo,waxayna kala yihiin sidaan:-

1~Madaxda dowladda dalka maanta iyadaa mas'uul ka ah ,in ay muujiso xaalad siyasadeed ka duwan tan maanta ay wajaheyso, sababtuna waxaan u leeyahay hadaanu isu tanasul iyo wada tashi ku tiirsan qaanuunka noo qoran aynaan la'imaan ay suurta gal tahay dibu dhac hor leh. 

2~Madaxdii hore ee maanta hadashay waxaan leeyahay mudana yaal marxaladda uu dalku marayo waliba gaar ahaan Muqdisho iyo labada shabelle intaad qiimeeysaan talo lawadaagna aad u muujisaan mas'uul kasta oo aad u aragtaan in uu diyaar u yahay dhageysigiina,si aysan bulshada Soomaaliyeed ugu sii kala fogaan akfkaaraha aad ku kala fogaateen madaxda joogta iyo idinkii shalay xilka ku wareejiyay.

3~ Hay'adda sharci dajinta dalka waxaan lawadaagayaa in ay xeeriyaan qaanuunkii 2sano iyo bar kahor gacanta ay ku haayeen uu yahay qodobada laga wada tabanayo, wixii gaabis ah ee qaanuunka ku yimaadana ay tahay mas'uuliyad darro loo sababeyn doono Baarlamaanka dalka. 

●Ugu danbeyn. 

Waxaan shakhsi kasta lawadaagayaa in aan ku dadaalno midnimadeena iyo wada jirkeena. 

Mahadsanidiin  !
Hassan Abdulkhader Mudey.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc