MALAGEEDAA GALAY QAYBTA MILATARIGA 60-AAD YUUSE U XIRAN YAHAY IMIKADAN MADAXWAYNE MUKHTAAR ROOBOW LAAKIIN!!

0
Friday October 25, 2019 - 12:08:03 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MALAGEEDAA GALAY QAYBTA MILATARIGA 60-AAD YUUSE U XIRAN YAHAY IMIKADAN MADAXWAYNE MUKHTAAR ROOBOW LAAKIIN!!

    Illaahi nebi Ciise cs cilmigiisa ku beeray cashaduu iman doonana cawar seefta ugu dhiibay baa cilmi u saaxiib ah awalan, marka xigtana xaalku siduu yahay iyo saadaashaa cuqualladu samaynayaan, waxaa su'aal adag ay ka taagan tahay haddii sidan la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaahi nebi Ciise cs cilmigiisa ku beeray cashaduu iman doonana cawar seefta ugu dhiibay baa cilmi u saaxiib ah awalan, marka xigtana xaalku siduu yahay iyo saadaashaa cuqualladu samaynayaan, waxaa su'aal adag ay ka taagan tahay haddii sidan lagu sii socdo inay Ummadda balaaran ee dulman Maayland ay sii jiri doonto iyo in kale, taasoo iska leh degtana gobollada ugu barwaaqada badan geeska Afrika dhulka kulaala webiyada juquraafi ahaan Koonfurta lagu gooyay. Baaritaan dheer in muddo ah ay wadday warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya Southern Media Co-Operation waxaa ay ku soo ogaatay cidda haddadan aynu joogno ee uu u xiran yahay madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur hoggaamiyaha rasmiga ah Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland 13.12.2018 magaadalada Baydhabo gobolka Baay JBM lagu soo qafaashay, isagoo haysta shahaadadiisa murashaxnimo diyaarna u ahaa inuu u tartamo kursiga madaxtinimada bulshawaynta rafaadsan ee Maayland, doorashadaaso la doonayay inay si xor iyo xalaal ah uga dhacdo Shaatiguduud International Airport hool ku yaal.
Kolka laga yimaado Kooxda Murugo iyo Macaluul oo ay hoggaaminayaan madaxwaynaha federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirkiisii koobaad Xasan Cali Kheyre oo iyaku adeegsaday gudoonka baarlamanka federaalka Mudane Maxamed Shiikh Mursal Waliinji ooy keensadeen iyo kabraalaha Tiimka Reedoow Reedoow Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Karasaay, waxaa Madaxwayne Mukhtaar Roobow saacaddan uu xabsigu ugu jiraa Xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen Afaraale (Xildhibaan Afkintaal) iyo xildhibaan Sandheere Maxamed Aftiin oo labadooduba ah saraakiisha sarsare Al-Shabaabka qarsoon lacag badana ku soo qaatay dillidda iyo sii xabbisidda Mudane Mukhtaar Roobow hoggaankii aadka loo dulmay.
Xildhibaan Afkintaal walaalkiisa wayn waa amiir sare oo Al-shabaab ah, halka Xildhibaan Sandheere Maxamed Aftiina Madajinaaw oo qaraabo dhow ay yihiin amiir la yaqaan Al-shabaab ka ah, ay gacansaar hoose iyo wadashaqaynba leeyihiin, taasoona ka dhigan in madaxwayne Mukhtaar Roobow ay si gaar ah ula dirarsan yihiin, bacdama qolyahaasi ay yihiin garabkii Godanihiini geeriyooday Mudane Abuu Mansuur goraddu ay isgeliyeen,
Xildhibaan Afkintaal wuxuu abti ugu aaddan yahay gudoonka baarlamanka federaalka, waana lataliyihiisi qaaska ah, maalmo kahor ayay ahayd markii guriga gudoonko la wada fadhiya, la isla soo hadal qaaday arrinta wadahadalka madaxwayne Mukhtaar Rooboow, ee uu Mudane Waliinji goortuu soo hadal qaadi maagay arrinkaasi, uu Afkintaal cod dheer ku yiri "ninkaasi warkiisi ka bax, hana na maqashiin mar kale dhegehaana uma roona," waxaana warkaasi ku raacay Mr Sandheere, taasoo idiin caddaynaysa in ninka koobaad maanta madaxwayne Mukhtaar Roobow u xiran yahay uu yahay xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen Afaraale (Xildhibaan Afkintaal) soona labeeyo xildhibaan Sandheere Maxamed Aftiin, oo dhamaantooda Maayland u dhashay. Xildhibaanadan kaliya kuma eka hawshooda xariga Mudane Roobow, balse waxaa ay dadaal aan daal lahayn ugu jiraan burburinta gabi ahaanba ciidamada Maayland nuucay doonaanba ahaadaane, siiba qaybta 60-aad oo ay qandaraasyo waawayn ku soo qaateen kaladhantaaliddeeda.
Taariikh kooban yaab leh lama filaana kugu noqon kadha haddaynu dib u milicsano, xiligii Janaraal Timiaccdde uu joogay gobolka Bakool JBM haystayna guutada 8-aad Qaybta 60-maad, waxaa xildhibaan Afkintaal taliye Timaccadde uu waydiistay in gabar uu dhalay saadka guutada uu u dhiibo, wiil uu dhalayna dhanka xafiiska maamulka guutada, taasoo uu ka biyadiiday jananku, bacdama seerjitadu xeerkeedu isaga dhiib kaliya aanay ahayn, u baahan tahay barasho dhanka qalinka iyo insiyaanitaa takhasus u gaar ah ku binaysan qofba meesha ku haboon yahay loo dhiibayo.
Xildhibaan Afkintaal durbadiiba waxaa uu la hadlay Mudane Maxamed Mursal Shiikh (Amb. Waliinji) oo xiligaasi ahaa wasiirka gaashaandigga federaalka Soomaaliya, waana la baddalay Janaraal Timicadde, waxaana tallaabadii xigtay haddana ay ku timid taliyihii Qaybta 60-Maad sareeye gaas Janaraal Ibraahin Yarow.
Raashiinka ciidanka Qaybta 60-Maad waxaa qandaraas ku qaadatay Afkintaal xaaskiisi hore ooy moosinkaasi ay isqabeen Marwo Ambiya xiligaasi bakhaar shidaal ku lahayd magaalada Baydhabo JBM, waxay cunada siin jirtay ciidanka, dabadeedna bishu kolkii ay dhamaato wasaaradda gaashaandhigga waxay u soo shubi jirtay qarashkeeda, iyado dhanka iidaankuna askari kasta 18 Dollar bishii xaq ahaan uu u lahaa, into lacagtaasi Afkintaal loo soo dhiibo, 10 Doollar ka reebto askarigiiba, xaaskiisu iyana siddeeddii Dollar la soo gaarsiiyay intay 4 Dollar ka jarato, askarigu 4 Dollar kaliya siinaysay iidaan ahaan bishii oo dhan, taasoo janaraal Ibraahin Yarow uu kansalay, caradii ka dhalatay shilimaadkii la helayay xaaraanta iyo isdabamarinta la waayay daraaddeed, uu Mr Afkintaal wiilka uu abtiga u yahay Waliinji ka dhaadhiciyay, in janaraal Ibraahin Yarow booska laga qaado, lana keeno janaraal Timaccadde oo ay islahaayeen tookadan wuu idiin jilicsan yaho, ee ku shaqaysta markan.
Haddana todobaadyo kahor ayay ahayd, markii Xildhibaan Afkintaal wiil uu adeer u yahay islaan uu qabo dhashay Janaraal Timaccadde kala hadlay kuna yiri "wiilkan dhanka saadka Qaybta 60-Maad iigu dhiib," diiddadii uu diiday iyo wiilkaasi ilaa 11 lambaro askartu leedahay ee uu ka gatay reer Garbahaaray iyo reer Kimaanyo iyo Galmudug, waxaa Janaraal Timacadde taliyaha Qaybta 60-Maad uu warqad dacwad ah u qoray wasaaradda gaashaandhigga, wiilkaasi Tarax loogu yeero, waxaa looga yeeray Muqdisho, dhowaana waa uu ka soo laabtay isagoon waxba la soo dhihin, haatana Baydhabuu nabad ku joogaa, xanaaqaasi aawadii ayaana imikadan nimaan lambarba lahayn, xildhibaan Afkintaal la qaraaba loogu diyaarinayaa in janaraal Timaccadde lagu baddalo, ninkaasi lagu magacaabo Maxamed imikadan uu joogo guriga gudoonka baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh (Amb.Waliinji) magaalada Muqdisho nawaaxiga waddada 15-ka Maay.
Xildhibaan Afkintaal mar dhexdaas ah intuu gobolka Bakool JBM tagay, ayuu ciidankii u diyaarsanaa inay xoreeyaan degmada Tiyeeglow JBM ku yiri "ordoho iska kala taga Shabaabna ku biira," iyada oo ciidamadii deegaanka is uruursaday si ay dhulkoodu u difaacdaan la oran jiray Cali-Qaawane, se imikadan loo yaqaan Cali-Qaran ulaso uu ku xiray qarkana ay u saaran yihiin inay iska kala dureeraan iyana, waxaana degmada Tiyeeglow ee uu ka soo jeedo ninkan xaasidka ah Afkintaal sanooyin arggiggixisadu ay iska daggantahay marasteedu meel waliba ay dhoobantahay uu u diiday inay xorowdo, isagoona xildhibaankani mishin ku dilaya ruux kasto ee uu is yiraahdo, kani, ama, tani, armay, armuu adigu kula la tartami doonaa.
Raysal-wasaare Xasan Cali Keyre kolkii degmada Xudur xarunta gobolka Bakool uu gaaray, Xildhibaan Afkintaal waa uu la socday jaajuska nimanka jeebkooda ku jira, waxaana xabsiga uu ku soo hubsaday afar dhallinyara oo raggii madaxwayne Mukhtaar Rooboow waa hore la soo halgami jiray ah, oo magaalada Xudur ay iska joogeen, wuxuuna xildhibaankan manaxaanka ah uu ku yiri madaxdii markaa meesha joogtay, inay Al-Shabaab yihiin dhallintii, xiligana si la mid ah sidii wariye ina Barre iyo samafalayaashii kalaba xabsiga Baydhabo loogu cadaabayo oo kale mugdiyada loogu ciqaabayo dharaar iyo habeenba.
Sida aynu ognahay magaalada Baydhabo afartii sarkaal saldhigga bilayska joogtay Maaynimadu ku dambaysay waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay 4 sarkaal, 2 ay u dhasheen Galmudug, mid 2 xidigle ah iyo midina uu yahay dhamme kabtan buuxa, iyado goobtaasi habeenkii cabaadka ka baxaya aad yaabaysid sida dadka loogu jirdilayo korantadana sideedaba cawadii uga go'antahay, taasoo markale kuu muujinaysa ummaddan Maayland sii jiritaankeeda inay su'aal culus ay ka taagtaagnaan karayso.
Dhanka xildhibaanada Tiimka Reedoow Reedoow, dooddii baryahan taagnayd wali aan la isku marin dabagalka SMC waxay ku soo ogaatay, in Waliinji iyo Karasaay ay odayaashii kala jabiyeen riwaayad cusubna ay dadwaynaha u jilayeen si ay isaga gadaan, waxaana ay odayaal tuuga laaluush ay soo siiyeen fagaaraha la soo istaageen ajandahooda dhabta, ee ah, inay 149-ka xildhibaan ay doonayaan in la soo celiyo korsaarkii gobollada dhexe ka yimid dalka aan waxba ku lahayna ummadda dushooda lagu sharciyeeyo, si xuquuq aysan inaba haba yaraantee ku lahayn deegaanka wax uga helaan, halka malaaqyada xalaasha ahna aqlabiyadooduna badan tahay si cad ay u diiddan yihiin, in xildhibaanada laga dhigo 149 korsaar deegaamada aan shuqul ku lahayna bulshada Maayland korka laga saaro, iyagoona ku dhaggan tirada dastuurku uu qorayo ee ah 95 xildhibaan, taasoo hadday meel martana kuwa doolki ay iska qulqulayaan.
Beenloow waxaa la yiri qof maqan iyo qof mootan buu marqaanti ka dhigtaa, inay Tiimka Reedoow Reedoow 149-ka xildhibaan korfuulku ka buuxaan doonayaan, waxaa daliil kuugu filan, in lataliyaha Mudane Cabdicasiis Karasaay ninka la yiraahdo Mudane Aadan Soronsoor oo loo yaqaan (Aadan Aflayrshe) duraad markii uu ka imanayay Muqdisha ee uu Baydhabo la yimid, uu keenay 10 ruux xildoon ah ka soo jeeda gobollada dhexe oo ay haatan joogaanooy jiiftaan gurigiisa, halka 10 kalana laga soo daabulay Caabud-Waaq iyo Garbahaarey xildhawrayaali iyana la dajiyay hotel Guuraaw oo ku yaal isla magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, isla geesta kalana habeen hore 800 askar JBM ihi 40 ay gabdho yihiin kaliya laga reebay 274, intoodi kalana Muqdisho loo qaaday.


 

Canjaladaha hoorsada haddaa hadhow yaan la ciilqabine walaal qaali ah amar Alle laakiin!!
By.Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc