MARWO XALIIMO JAYLAANI FICILKEEDA SANBAA CADDEEYAY INAY GAARIYAD JBM TAHAY LAAKIIN!!

0
Thursday October 24, 2019 - 04:14:42 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARWO XALIIMO JAYLAANI FICILKEEDA SANBAA CADDEEYAY INAY GAARIYAD JBM TAHAY LAAKIIN!!

    Hubqaadka san diinta Islaamku ka muuqanayso iyo aadaab u hadalka codkarnimadu ku dheehan tahay laga haybaysto hanaankeeda suuban ku seemaalan kartida iyo dadnimada damiirta nool ee ku jirta kolka laga yimaado, gabadhan gaariyadda ah mudan in lagu faa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubqaadka san diinta Islaamku ka muuqanayso iyo aadaab u hadalka codkarnimadu ku dheehan tahay laga haybaysto hanaankeeda suuban ku seemaalan kartida iyo dadnimada damiirta nool ee ku jirta kolka laga yimaado, gabadhan gaariyadda ah mudan in lagu faano calaashan sifooyinka ficiladeeda wan wanaagsan waqtigu qarinba waayay waayaradu ay soo bandhigeen.

Aqoonyahanad Marwo Xaliimo Jeylaani waxaa ay koow ka noqotay inta la ogyahay sida taariikhdu garaangarteedu waaqiciyan tusaalaynayso dunidan daraanteedu wareegto haweenka u dhashay geeska Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland kuwooda qurbaha ku nool midda xaaladdu markay soo adkaato gaadho "yaa maali jirayeey," ficilkeeda ka run sheegta u gargaaridda dadkeeda dhibaataysan gudaha dalkii, ee kaliya hadalkeedu aanu ku ekayn istustus iyo magacraadis sida qaar badan horaanba loogu arkay warkoodu, intay ummaddu u baaramaan korna isu qaadaan, goortay dhanaanaatana ka kala dhuunta madasha gacanta u baahan hiillada iyo hooda miriqdooda aadan arkihayn, labadaraale aaranka kolkuu yimaadana haddana, bishimaha intay soo guduudsadaan, duruucda dhiijigiina isku soo boobaan, bootar waalan iyo malqabad sideedaba qallooc qallooc qaabaan diintu aad ugu hagaagsanayn ay soo xidhaan iyo garbasaar gurracan, deetana shacbiga mar kale bowsanaya intay soo hor fariistaana waxaysan iyaku qabana abaarta iyo dhibta intii lagu jiray u sheegaya inay gurmadyadu iyagu gaysteen, si loo yiraahdo "waxaad tihiin siqiyiin gacmo-furan dadkooga u damqanaaya."
Dunidan aynu joogno camallada la samaynayo, wixii Illaahay dartii loo sameeyo uunbaa meel gaaraya, se wixii qayrallaahi loo sameeyaa, waa uun dambas ay dabayli qaadday weeyo meelna ma gaarayaan.
Marwo Xaliimo Jeylaani asbuucyo kahor dhamacda kulul jiilaalka baahida dhibicda roobaad sida dheemanka loo fisho biya la'aantii ka taagnayd dalka ummaddeedu way la garab taagnayd inay biyo u dhaamiso, qarsinkana qandegeeda wixii ku jiray ma aysan kala harin walaalaheeda, waxaana imikadan oo waddankii horaanba bulshada loo xasuuqay, lagana xiray madaxwaynahooda Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ooy jidadkuna xiran yihiin cunaqabatayn siyaasadaysan ay saaran tahay daadadka cusub marastu biyaha dhex jiifto, ay gabadhani halyeeyadda ah kunka tallaabo badi gabdhaha Maayland kaga dheeraysay gurmadku Mrs Xaliimo Jeylaani ay hay'addeeda Qalbi-Foundation agab iyo raashiinba si degdega uga dajisay qaybo ma mid ah barta uu buyuqbaayuqu hareeyay, waana taa sifada lagu yaqaan shaqsiyaadka guulaystay adduunka iyo aaqirada qawlkooda iyo ficilkoodana aan isdhaafin sida qaar badano aynu miinaha saarnayn kuna soo xusnay qormadeena qaybaha kore oo kale si ka duwan.
Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo mar waliba isha ku haysa dadyowga dhinka iyo taransiga u leh mushtamaca dulman JBM badi musiibooyinka gacankusamayska ay rageediyeen, waxaa qalinkeedu uu soo jiitay gabadhan gaariyadda ah Marwo Xaliimo Jeylaani magaca iyo maamuuska waynba ku dhex leh bulshadeeda ballaaran Maayland, taaso astaahisha in taariikhdeeda limbishada ka fog lagu qoro baal dahab ah loona aqoonsado hablihii ka koray qabyaaladda iyo qurunka, noqdayna diranayaal aan loo dirin danta guud iskooda isu diray inay u gargaaraan agoonta dabamadow iyo hooyooyinka durganwaagu ku dhacay iyo waliba odayaasha la halmaamay diiftu ka muuqanayso ooy aabbayaasha dantu dabratay caruurahooda baahan garbuhu ku sitaan jirana maamul u damqada iyo u diyaarshay birmad cadow ka fujin ah.
Waa iga tusaale u tixgeliya taaso ragow dumarku waa tiir, tolmoon Jeylaanina waa tabanbaabisada masaakiinta amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc