Taliyaha Ciidanka Haramcad oo ka badbaaday iskuday dil

0
Wednesday October 09, 2019 - 17:52:49 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Haramcad oo ka badbaaday iskuday dil

    Ugu yaraan Afar Askari ayaa dhimatay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Qarax Miino uu la kacay Gaari ay la socdeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Afar Askari ayaa dhimatay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Qarax Miino uu la kacay Gaari ay la socdeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Koontaroolka Siinka Dheer iyo Isbitaalka Al-Berri halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka dhashay.

Kolonyada Ciidanka Haramcad ee weerarka la kulmay waxaa la socday Taliyaha Ciidankaas Farxaan Qaaroole.

Todobaadkii hore Qarax Miino oo ka dhacay isla waddadaas waxaa ku geeriyooday Lix Askari oo ka mid ahaa Ciidanka DANAB,waxaana ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidankaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yare.

Weerarrada Miinooyinka ahaa ku sii kordhaya Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo sidoo kale uu dib u dhis ka socdo.

Waddadan waxaa sidoo kale lagu beegsaday Shaqaale Turki ah oo qeyb ka ah Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo uu dhaawac ka soo gaaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc