Guddoomiye Cabdi Xaashi: Waa in Xukumaddu Xalisaa khilaafka kala dhexeeyo Dowlad-Goboleedyada.

0
Wednesday October 09, 2019 - 17:50:30 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cabdi Xaashi: Waa in Xukumaddu Xalisaa khilaafka kala dhexeeyo Dowlad-Goboleedyada.

    Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Madaxda Dowladda Faderaalka ah ugu baaqay in ay xaliyeen khilaafka kala dhaxeeya Dowlad goboleedyada dalka qaarkood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Madaxda Dowladda Faderaalka ah ugu baaqay in ay xaliyeen khilaafka kala dhaxeeya Dowlad goboleedyada dalka qaarkood.

Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaaha oo Maanta khudbad ka jeedinayey munaasada furitaanka Kal-fadhiga 6aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa sheegay in ay waajib tahay in khilaafka ka dhexeeya Dowladda iyo Maamul Goboleedyada xal lag gaaro,kaas oo sigaar ah ugu dhaxeeya Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Xukumadda in ay dhisto Golaha adeega garsoorka Dalka,kaas oo xilligaan iyo mar walba muhiim u ah dalka,isla markaana sidii loo dhisi lahaa ay dadaal ku bixiso Xukumaddu sida uu sheegay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Masuuliyad ka saarantahey Dalkaan loona baahanyahey in ay la timaado Tanaasulaad ku aadan Xalinta Khilaaf kaste oo kala Fogayn kara Umada Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Fedeeraalka iyo Maamuladda Jubbaland iyo Puntland ayaa sii xoogeystay maalmihii la soo dhaafay,waxaana xoogiisa uu yimid ka dib doorashadii Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inaysan aqoonsaneyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc