Muuse Biix oo Hargaysa ku qaabilay safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya.

0
Wednesday October 09, 2019 - 17:38:18 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biix oo Hargaysa ku qaabilay safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya.

    Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Hargaysa.

Kulanka Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa.

Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa isla soo qaaday wada hadaladda Maamulka Hargaysa iyo Xukumadda Muqdisho oo aan mudooyinkaan dambe qabsoomin.

Sidoo kale, waxa sa isla soo qaaday mashaariicda horumarineed ee midawga yurub ka fuliyo deegaanada Maamulka Somaliland iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka wadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc