XAFLAD DHAQAMADA AFRIKA LAGU SOO BANDHIGAYAY OO DALKA SWITZERLAND LAGU QABTAY LAAKIIN!!

0
Sunday September 15, 2019 - 02:00:36 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAFLAD DHAQAMADA AFRIKA LAGU SOO BANDHIGAYAY OO DALKA SWITZERLAND LAGU QABTAY LAAKIIN!!

    Xafladdan cilmiyaysanayd dhaqamada dadka bariga Afrika lagu soo bandhigayay ayaa lagu qabtay xalay xarunta ganacsiga magaalada Zurich ee waddanka Switzerland, taaso dad farabadan Soomaali iyo iyo ajnabi isugu jira ay si siman uga soo wada qaybgaleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladdan cilmiyaysanayd dhaqamada dadka bariga Afrika lagu soo bandhigayay ayaa lagu qabtay xalay xarunta ganacsiga magaalada Zurich ee waddanka Switzerland, taaso dad farabadan Soomaali iyo iyo ajnabi isugu jira ay si siman uga soo wada qaybgaleen.


Xafladdan oo abaabulkeedu dhanka Soomaalida hormood ay ka ahaayeen Mudane Bashiir Goobdoon, Mudane Casharo iyo masuuliyin kalo culculus miisaan ku leh gudaha bulshada, ayaa masraxa daraasado dhaqamada ka hadlaya iyo suugaan hiddo ka tarjumaya martisharaftii isugu timid goobta lagu dhoolatusay, waxaana ciyaaraha jaanta wata iyo heesuhuba qaadayay fanaanadda caanka ah ku dhaqani dalka Swisska iyo kooxda Sagal-Band oo iyana ku astaysan hidda-raaca.
Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation ee uu hoggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo si rasmi ah madashan loogu casuumay, waxaa kamarqdaheegu ay qabanayeen dhallinyaro Soomaali ah fanaanado cadcad iyo hoosguntiyadoodu xiran yihiin hubqaadkoodu san astaanta calanka buluugguna lagu arkayay qaybo ka mid ah jirkooda maryaha saaran, iyado sido kalana indhuhu ay qabanayeen caddaan iyo madow oo isku jarjaran hal meel ay ku wada dheelayeen.
Ugu dambayntii dhuun qoyasho iyo caloosho la cusleeyay dabadeed xafladdani ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya.


Qof walibana wuxuu taransado ayuunbayna taariikhdu xustaa amar Alle laakiin!!
By: Adam Increase







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc