JINIQAAR OO MAXKAMADDA MILATIRIGA CIIDANKA QALABKA SIDA FEDERAALKA SOOMAALIYA LOOGA YEERAY LAAKIIN!!

0
Sunday September 15, 2019 - 01:47:35 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JINIQAAR OO MAXKAMADDA MILATIRIGA CIIDANKA QALABKA SIDA FEDERAALKA SOOMAALIYA LOOGA YEERAY LAAKIIN!!

    Taliyaha ciidanka Danab urur afaraad fadhigiisu yahay garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland gaashaanle Jininaar u dhashay Puntland kuna beesha ah Maxamed C/LLaahi Farmaajo, ayaa maxkamadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka Danab urur afaraad fadhigiisu yahay garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland gaashaanle Jininaar u dhashay Puntland kuna beesha ah Maxamed C/LLaahi Farmaajo, ayaa maxkamadda ciidanka milatariga qalabka sida federaalka Soomaaliya (Somali federal Military tribunal) u yeedhay, kadib kolkii uu eedayntii beenta ahayd uu eedeeyay saraakiishii Maayland u dhalatayo haatan xabsiga dhexe Muqdisho wali ku xiran sida:-Taliyaha gaadiidka Danab Bilidoogle JBM Kabtan Cabdalla iyo abaanduulaha ururkuba Kabtan Maxamed Isaaq ay maxkamaddu Jiniqaar iyo asxaabtiisu saraakiisha Maxagi musuqa iyo qabyaaladda isku bahaysteen u qabatay 7 casho gudahooga inay ku keenaan caddaymooyin ku qotoma waxay ku soo eedeeyeen saraakiisha Maayland-ka gardarada u xiran, taaso sida runta ah wax caddayn ah aanay u heli karin, dabadeed todobadii maalmood loo qabtay qolyahan baaddilka wada intaysan dhamaanba bilaabay inay kala dhuuntaan.

Taliyaha ciidanka Danab urur afaraad fadhigiisu yahay garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland gaashaanle Jininaar u dhashay Puntland kuna beesha ah Maxamed C/LLaahi Farmaajo, ayaa maxkamadda ciidanka milatariga qalabka sida federaalka Soomaaliya (Somali federal Military tribunal) u yeedhay, kadib kolkii uu eedayntii beenta ahayd uu eedeeyay saraakiishii Maayland u dhalatayo haatan xabsiga dhexe Muqdisho wali ku xiran sida:-Taliyaha gaadiidka Danab Bilidoogle JBM Kabtan Cabdalla iyo abaanduulaha ururkuba Kabtan Maxamed Isaaq 
Jiniqaar oo Bilidoogle JBM u soo baxsaday, ayaa Mar waliba waxaa uu maxkamaddu ku leeyahay "taliye, waddadaa xiran, diyaarad aan soo raaco malaha, isniintaan imaanaya, arbacada, jimcaha iiga dhiga IWM," taaso la macna ah, inuu doonayo,in maxkamadda qaranka uu maaweeliyo kiiskana la iska halmaamo inta uu meermeerinta kujiro, sababto la fahmin, Jiniqaar asbuucyo kahor kolkii isagoo rasaasta qaranka istoorka Bilidoogle JBM ee uu xadayo gaari caasi ah u keensaday ay ciidanka ku qabteenooy naftiisu u u yaabay, waa tii uu gaari Cabdi-Bile ah Muqdisho u socday dabaqabsaday, haddaa imikadan ooy maxkamaddu u yeedhay uun miyuu jidku ka go'ay tagaa Muqdisho,? waa su'aal da'wayn miskexdu daalinaysa.
Geesta maxkamadda qalabka sida waa ay kari kadhaa sharciyan inay meesha uu joogo ay ku soo jeebayso, waa haddii la doonayo in sharciga siduu yahay loo dhaqangeliyo qabyaalad iyo laaluushkii dalku la dagay laga tallaabo, iyado haatan aynu baranayno in "Janaraal Odawaa Taliyaha ciidanka xoogga federaalka Soomaaliya naloo sheegayo in isagu uu raadinayo ciddii ka dambaysay xarigga gardarada ee saraakiishan Maayland xiran, oo taliyaha xooggu nafsaddiisa isaga iyo Jiniqaar ay is ogyihiin kana simanyihiin inay buusaan Kabtan Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla iyo dhamaan saraakiisha Maayland ee ku jirta dowlladda federaalka Soomaalia.
Degmada Wanlawayn gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland oo ugu yaraan nus malyuun ciidamo nuuc kasta la ciirciiraysa Jimcihii 13.9.2019 nin Daahir Amiin Jeesow ku beel ah lagu dilay, kadib kolkii 2 hubaysan isku reer ah la dilaha iyo ka wax dilaha qamri ay wada cabbeen istiinku siiyay midi in midka kale dunidu ka rawaxo, ayaa gudoonka maaliyadda Degmada ninka lagu magacaabo Mudane Koosto sameeyay dhacdo ugub ku ah gobolko idil.
Mr Koosto oo ah qof u dhashay Maayland nacamleeyaha ugu xun ee reer Galmudug iyo Jiniqaar ah, aadna u mushuma dadka deegaanka loona soo adeegsado dadkiisa eber ka dhigay, ayaa maalintii khamiista ahayd 12.9.2019 Bilidoogle intuu tagey, ay Jiniqaar iyo asxaabtiisu ku soo dhirbaaxeen iyo dhangalaasooyin daran intay u soo gelsheen siduu ku caanku yahay nacamleeyuhu dabadhoonku la yeelo, waxaa meeshii inuu dhiilloodo dhirfuu aarsado la rabay, uu Jimcihii 13.9.2019 Daafeet intuu yimid 5 gabdhood Maayland u dhashay gaarigiisi raaxada ku qaaday uu u geeyay Jiniqaar iyo asxaabtiisu si ay ugu raaxaystaanoy uga sinaysataan, taaso ka dhigan falka Koosto, inuu leeyahay "sidaad shalay garoonka Bilidoogle JBM gudihiisa iigu dharbaaxdeen, abaalkiinu waa gabdhahan Maayga ah ku raaxaysta," iyado ay xusid mudan tahay, in Mudane Koosto gaarigaasi raaxada ah ee uu wato Mareykanka si khaldan kaga qaatay dhaqaalihii uu ku soo ibsaday, kadib markii arrima bulshaan ka shaqaynayaa uu yiri haween iyo caruur intuu meel isagu keenay NGO ahaan lacagta kaga soo qaatay Ameerikaanka fadhiya garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle gobolka burwaaaada badan Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ooy xooggu ku haystaan Reer Galmudugga ku soo duulay oo wajiyada badan ay dadka deegaanka ku xasuuqayaan, mar wajiga Alshabaabnimada isla ayagii uun intay gafuurku soo duubtaan dhanka duurka ka soo galaya buldaantu, kolna tuutaha qaranka iyo calanka buluugga magaca dowlladnimada, taaso aynu dhihi karayno in dowlladda la sheegayo nafsad ahaanteeduba ay raali iyo nus ka tahay gobolka iyo dadkiisu Maayland in xooggu qaranku lagu naafeeyo tirtiro.
Tusaale gaaban:- Magaalada Afgooye ururka jooga taliyihii haystay reer Galmudugga lagu magacaabayay Liibaan Madaxwayne xilka waa laga qaaday, waxaana haatan loo dhiibay nin isla reer Galmudugo kale lagu magacaabo Sheellere, tolow iswaydii ma "Dahabshiil ka qaado, Dahabshiil u dhiibo miyaa?," waa maxay dowlladdu waxa ay samaynayso, ma waxaa la waayay saraakiil u dhalatay deegaanka Maayland ah, marka nin reer Galmudug ah deegaanka aan u dhalan doolo meel fog ka yimid into xilka Afgooye JBM laga qaado isla mid kale reer Galmudugi loo dhibayo,? sadar cad su'aal ka dhan middada daabka laga hayana doqontu waano ugu filan nin ku dagayna waligaa ha u dhicin dhul.
Aargada ilaa iyo Mukayga Afgooye JBM waxaa hadda taagan in ka badan 50 baabuur oo waawayn u badan nuuca Soomaalidu u taqaan Ino-Tre-yada, gawaaridaasi ay u raran yihiin gobollada Maayland ku socda dhankaa iyo Baay iyo wixii ka shisheeya masaafooyinka fogfog oo caada ahaan halkii gaari 4 ilaa 5 malyan shilin Soomaali ah isbaara ah laga qaadan jiray, waxaa imikadan ay xuniban yihiin oo haysta Xasan Jaamici taliyaha guutada 7_aad Qaybta 60-Maad oo u dhashay Galmudug, wuxuuna dul dhigay oo uu yiri "taako gaddin maayaan gawaaridan gobollada Maayland ku socda, inta la iga siinayo halkii baabuur 30 Dollar lacagta Mareykanka ah ka baxsan, ama gooni ka ah baaddii 4-5-ta malyan Shilinka Soomaaliga gaari walba aan ka qaadan jiray.
Raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre intuusan Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland iman, isago jooga Galguduud ayuu soo codsaday in (1'000) kun qofood fanaanadaha sawirkiisu ku xardhan yihiin soodhowayn ahaan loogu diyaariyo gagida dayuuradaha caalamiga ah ee Shaatiguduud International Airport.
Walow ay Tiimka Reedow Reedow islamarkiiba amarka qaateenoy abaabulkii ay bilaabeen, waxaa arrinkaasi kahor yimid ciidamada Itoobiya oo gacanta ku haya garoonka, waxaana Itoobiyaanku ay diiddadoodu ku sifeeyeen in Kheyre aan Baydhabo laga jeclayn, bacdama aan dadku aanay doonayn ninkaasi in amnigu uu khalkhal gelayo, si amniga faraha uusan uga bixina ay oggol yihiin oo qura 148 ruux kaliya masawirada Kheyre wata, taaso sidaasi uun ay dhacday xiligii imaanshihiisi.
Wasiirka koobaad Xasan Cali Kheyre oo waagii Shariif Xasan Joogay Baydhabo tiro 3 jeer yimid gobolku shacabka iska dhex mushaaxi jiray, tookadan waxaa khasab ku noqotay isaga iyo tiimkiisu in dad soodhoweeya markii la waayay Magaalada loo xiro gabi ahaanteeda loona soo khasbo kaamleyada oo hanjabaad iyo shan shan Dollar in la siinayo ballanqaad been ah loo sameeyay, kuwaaso maalintii oo idil qoraxda lagu hayay quraac iyo qada la'aan oonku u dheer yahay gabbaldhiciina lacagtii lagu booday buud haraanti iyo garuun la isugu darayo dabada laga gelshay lootooyin naftooduba ay u yaabeen, waxaana mar kale xusid mudan, in kaamleyda loogu hanjabay oo lagu yiri intaanay isbartiibadu Dr Ayuub aanay iman "haddaad iman waydaan, kaararka waa la idinka jari doonaa, ma qaadan doontaan bishan muwaacinada, oo la idin ma siinayo, haddii kale kuligiin garoonka iska soo xaadiriya."
Labadaraale dhanka amniga, garoonka kubadda cagta ee Baydhabo oo hareerihiiso idil wax shacab ah aanay dagganayn, ooy ku hareeraysan yihiin deegaan ahaan wasiirada iyo agaasimayaasha Tiimka Reedow Reedow sida:- Cali Wardheere iyo Aflow iyo wixii la halmaala, haddana kalsooni darada iyo dhibka haysta kabraale Mudane Karasaay iyo Kheyre, waxaa ay dhashiikayaal badan ku wada xireen garoonka dhan maalintii ay ka khudbadaynayeen.
Masaakiintu markay maalintii oo dhan qoraxdu ku soo cadaabeen, raysal-wasaare Kheyre waxaa uu yiri "waxaan biiti ku ordaynaa garoonka dayuuradaha Shaatiguduud International Airport, ee ciidankayga ilaalada gaarka ha la ii geeyo, Itoobiyaanka kuma kalsooni," taasooy Itoobiyaanku ay ku qosleen markii dambana u ay ogolaadeen in istaafkiisa gaarka ah labada dayuuradood lagu kala qaaday 80-meeyada ah loo geeyo goobtay ku ordayeen ooy isaga iyo Karasaay isku soo sasawirayeen, igu sawirtaaso danta laga lahaa ay ahayd, in Kheyre oo kambayn ku jira beesha caalamko Baydhabo ku sugnayd uu tuso, in isagu Baydhabo laga jecel yahay si nabad ahna ugu ordi karayo.
Beesha Caalamka sida:- Ingiriiska, Taliyaaniga, Faransiiska, Holland, Norway, Uganda, Turkiga, Sweden, Igad, EU, Mareykanka, AU, UN-Ka habeenkii 1-aad si adag ayay ugu dhageen raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana la waydiiyay su'aalo dhawr ah oo ay ka mid ahayd "Mudane raysal-wasaare, Kismaanyo oo doorashadeeda aan dhiig ku daadan waad qaaddacdeen, Baydhabo teedo dhiig ku daatayod xasuuqdeenna waad aqoonsateen, ma wax caqligu gelyaa taasi?," taaso ra'iisul wasaaruhu kaba jawaabi waayay indhataag kaliya ka soo haray, halka Mudane Karasaayna afku gacantu saartay, iyado aakhirkiina lagu yiri "saaxiib waxaad kalsooni shacab gacanta ku haysaan dalkan haba yaraatee ma jidho, nuuca diktaatooriyadda aad u dhaqmaysaan joojiya wax shaqayn karayaa ma ahane, ixtiraama maamullada dowlladdu waa federaal, sharcikaboodka iska ilaawa, haatana dhaqaalihii aad doonayseen inaan idiin soo fasaxno shilin aan idin siinayno ma sugaysaan loomana fadhiyo.
Mr Kheyre maalintii labaad waxaa uu isku dayay inuu dhoollatus sameeyo, waxaa lacag dhan 300-kuno Doollarka Mareykanka ooy hay'adda dhaqdhaqaaqa qaxoontiga adduunka IOM ay ugu deeqday gobolka dhanka dhismaha garoonka Dr Ayuub ku yaal Baydhabo JBM uu Kala badh intuu ka reebtay, 150-kun Dollar isago iska dhigaya inuu jeebkiisa ka dhiibayo si uu ummadda u khaldo uu dhagax dhigay isbartiibada lacagtaaso uu u dhiibay Tiimkaa maqaarsaarka, waxaana maalintaasi ay ilaaladiisu dileen samafale Maxamed Aadan Deerow oo shacabka aad u gargaari jiray, halka Drs Luul Aadan Isaaqo marxuumka la socotayna sigatay xabaddu ay istaafka Xasan Cali Kheyre kala daaleen shoog qaadday haatana ay ku xiran tahay saldhigga degmada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland loona diiday, xitaa in shacabkeedu ay soo booqdaan, gabadhaaso ah hooyo haysata caruur agoono ay korsato aabahoodu kol hore uu ka dhintay.
Raysal-wasaare Kheyre intaanu Xudur aadin labadii habeeno uu Baydhabo Joogay sida la ogyahay indho ismuun saarin oo waa uu dhafray, maxaa wacay habeenkii labaad waxaa uu wacday xildhibaan C/Fataax Maxamed Ibraahin Geesey oo loo yaqaan (C/Fataax Bravo) oo aan dhihi karayno, waa xildhibaanka kaliya dhiigga Maayland maanta ku jira dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya ay haystaan ummadda malaayiinta sharafta badan leh ee reer Maayland, kaaso runta u sheegay Xasan Cali Kheyre mahadhooyina ku reebay, kadib kolkii hadalo taariikhda galay kul kulul uu wasiirka koobaad federaalka sanka ka gelshay.
Baydhabo JBM ooy ku sugnayeen 11 xildhibaan heer federaal kuwa Maayland matala ah 2 Muqdisho u soo noqday, waxaa kulanka habeen labaad fadhiyay goobta iyana odayaal ka duwan kuwii hore oo ka yimid gobollada Bakool, Shabeellaha-Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo dhiig leh qaddiyaddu soo kicisay, kuwaaso 20-kuno Dolarna gannaaxay jufada Geesey, calaashaan gefkay ka galeen qowmiyadda, dabadeed bilooyin kahor markii Waliinji uu Baydhabo tagayay ee ay arrinta Mukhtaar isku dayeen inay qabiileeyaanoy ka dul boodaan Maayga intiisa kale, taaso tacsiirtu ay ogolaadeen qirteena inay khalad ay sameeyeen, kadibna ka shanqariyeen madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur in qaranka Maayland oo dhan uu ka xiran yahay ee aanu beel gooni ah ka xirnayn.
Kalafadhigii sida dardarta leh uu ku bilowday, ayaa raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu ka dhawaajiyay inuu doonayo dib u heshiisiin in la furo isagana lala kambayn gareeyo, si uu noqdo madaxwaynaha federaalka Soomaaliya 2021-ka, waxaana hadalka durba boobay halyeyga aan sinaba warka ula gamban dhaladka Maayland Mudane xildhibaan C/Fitaax Maxamed Ibraahin Geesey (C/Fitaax Bravo) wuxuuna yiri halyeygu "Xasan Cali Kheyrow dhagayso, annigu wasiir xukuumaddaada ka tirsan ma ahi, waxaan ahay xildhibaan, wasaaradda hawlaha guud iyo guryayntoon hayay, waxaan xilkeeda dhigay maalintaad Baydhabo JBM aad xasuuqdeen shirqoolna ku afduubateen Madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, dadkaygi Diseembar dhamaadkeeda 2018-kii aad halkan ku xasuuqdeen oydan raali gelin buuxda ka bixin, magtoodana aydaan dhiibin, Mudane Mukhtaar Roobowna isago joogino xor aanu ahayn, miyaad doonaysaa inaan wada hadal kula furno, kuuna kambayn garayno, waxaynu wada hadli karaynaa, marka aad raaligarayn buuxda aad ka bixisid xasuuqii Baydhabo JBM aad ka gaysateen, diyooyinkii marxuumada aad miiska soo saartaan, Madaxwayne Mukhtaar Roobowna isago madaxbanaan ilaaladiisa gaarka ah wata tilifoonkiisa uu nagala soo hadlo, inta kahoraysa, wax wada hadalo ino furmaya, ma jiro," "oo haddan madaxwaynenimo adiga kuugu kambayn garaynayo, maan C/Raxman C/Shakuur u ola olaleeyo," ayuu sii raacsaday hadslkiisu Mudane Xildhibaan C/Fitaax Maxamed Ibraahin Geesey (Bravo).
Geesta odayaashuna way kululaayeen, waxaana ay ku yiraahdeen raysal-wasaare Kheyre "adigu waad na xasuuqday, maxaad hadda naga soo doontay?, " waxaa uuna wasiirka koobaad uu bilaabay inuu is-difaaco, Kheyre wuxuu yiri "annigu Xasan Cali Kheyre ah, madaxwayne Mukhtaar Roobow iima xirna, mana soo xirin, xasuuqii Baydhabo ka dhacayna shaqo kuma lihi, Mudane Mukhtaar Roobow Farmaajuu u xiran yahay shaqsi ahaan, wixii Baydhabo JBM ka dhacayna isaga uunbaa la waydiinayaa,  haa, ka xukuumad ahaan, maadama xukuumaddii federaalka dhibkan gaysatay annigu aan ka tirsanahay, haddana eedda waxbaan ku yeelanayaa, oo sinaba ugama lug bixi karaayo, midna ogaada madaxwayne Mukhtaar Roobow inta maamulkan C/Casiis halkan uu joogo "banaan soo biximaayo," odayaashiinu, adinku xitaa eedda wax baad ku leedihiin, maxaa yeelay, dhibkan markuu dhacay waxaan aragnay marar badan oo noo yimid, odayaal aan iska warqabin, qayb waliba iskeeda u socota, oo ay leedahay, "waxaan u soconaa arrinta Mukhtaar dhaqaale na siiya annagaa xalinaynee, Mukhtaarna ka dhaadhicinayna inuu idiin tanaasulo," taaso dhaqaala badan goortaan ku bixinay, qaarba qaar hor leh wali ay noo soo socdaan aan iska hakinay markii dambe, bacdama aynu u aragnay, "Mukhtaarkiiba inuu xarigiisu noqday mashruuc wayn oo kale," waxaana kulankaasi la isla gaaray ilaa 4:30 goor-sheegtada geeska Afrika qaarna ayba salaaddu wada dukadeen sida C/Fitaax Bravo, iyado Mar saddexaad ay xusid mudan tahay, in xildhibaan Sandheere Maxamed Iftiin iyo Afkintaalo u kambayn garaynaya Kheyre kulankii ay isku dayeen xildhibaan C/Fitaax Bravo inay ku qanciyaan rabitaanka Kheyre, oo ah in madaxwayne Mukhtaar Roobow oo xiran Xasan Cali Kheyre loo olaleeyo, taasoona Mudane Bravo uu ganafka ku dhiftay.
Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Farmajaha garabka Itoobiyaanka ah oo isku dhacsan, kaligii-taliye Farmaajo damcay inuu xiriirka u jaro dowlladda Qadar cilaaqaad cusubna uu la samaysto Imaaraadka iyo dowladaha Khaliijka, waxaa uu ka baqay Fahad Yaasiin iyo Kheyro isku garab ah imikana culusys wayn ku haya inay dorrashada kahorba ay buusaan isagu, ayaa Kheyre tagitaankiisu Xudur dantiisu dhabta ah ujeedkiisu ahaa, in ciidamada sida gaarka ah u tababaran fardaha leeddada ku fuula Maayland-ka asalka ah hoggaanku u yahay madaxwayne Mukhtaar Cali Abuu Mansuur, into loo soo fayliyo, uu indhaha saaro, qiimayn ku sameeyo qaabkooda iyo cudduddooda tira ahaaneed, si hadday diidaan inuu la wareego loo maquunin karayo iyo in kale, taa oo u ekaatay mid uu ku hungoobay qorshihii uu watay iyo Kaartadii Mudane karasaay keenay ee ahayd "waa hadday ogolaadaan, in ciidanka madaxawayne Mukhtaar Roobow awalan loo kala jajabiyo 3 qaybood oo kala ah 1-qayb bilays laga dhigayo. 2-qayb nabadsugid loo rogayo iyo -qayb milatiriga qaranka lagu darayo, deetana halkii la doono loo qaadan karayo habkii la doonana loogu shaqaysan karo, xitaa hadday noqon lahayd inay hooyooyinkoodu soo loo diro si ay u soo laayaan.
Safarka raysal-wasaare Kheyre Bakool oo 24 saac kahor 10 wasiiro Tiimka Reedow Reedow ah Xudur loo diray guri guri ay habeenimo dadka deegaanka ugu galeen si raysal-wasaaraha loo soo dhoweeyo, xitaa aan laga soo tagin barakacayaashii Tiyeeglowda JBM la dayacay boorarkoodu wataan, waxaa sido kale la sii diyaariyay odayaal deegaanka ah lacago loo horumariyay inay soo diyaariyaan ciidanka Caara-Caaro, ee uuna raysal u wasaaruhu arko ula kulmo, taasoose si la yaab leh ay u dhacday.
Bakool JBM oo ay joogaan 5 nuuco ciidamo ah 1.Kuwa dowlladda Federaalka Soomaaliya ee uu haysto nin kornayl ah lagu magacaabo Warsame Maxamed Diiriye ku beel ah Farmaajo iyo Axmed Madoobe, taliyahaasi aadna u cunuqabateeya dalabaadka ciidanka deegaanka sida:- rasaasta iyo hubka wax dalab ah aanu u gudbin, balse rasaasta iyo hubku dhanka Ceelbarde iyo u wareejiyo, si dadkiisu Maayland dhulka uga soo riixdaan. 2. Daraawiishta maamulka Reedow Reedow. 3.Caara-Caaro. 4.Maleeshiyaad iskood gobollada Maayland oo dhan isaga kala yimid iyo 5. Shacabka caadiga hubaysan, ayuunbay odayaashii lacagta qaatay, intay kuwii iskood isu keenay soo faylsheen, raysal-wasaaruhu kuna yiraahdeen "Mudane raysal-wasaare, waa kuwan ciidankaad doonaysay, " isaguna siduu samayn jiray, intuu kaabeeyay, salaan loo saaray, ayuunbuu ku yiri ciidankii" diyaar ma u tihiin in la idin qarameeyo dalkiinu aad difaacataan?, " iyana waxay ku yiraahdeen "Haa Mudane raysal-wasaare, haddii hub iyo tuute nala siiyo," kadibna odayaashii 2 sarkaal oo ciidanka madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ka socda ayay la kulan siiyaeen Kheyre, waxaana kolkuu yiri "qaramayn sow diyaar uma tihiin?,"  ugu jawaabeen "raysal-wasaare, annaga askar uunbaan nahay, ciidankan waxaa xukuma madaxwaynaha aad xirateen, isaga keena, isla isaga uunbaa idiin sixiixi karaya, haddii la qaramaynayo iyo haddii hubka laga dhigayo la kala dirayo intuba."
Halkan waxaynu ka fahmi karaynaa Kheyre inay Reer Bakool JBM ay ku soo cayaareen, waxaana Xasan Cali Kheyre ujeedkiiso dhan uuahaa, yahayna, in ciidamada sida gaarka ah u tababaran madaxwayne Mukhtaar Roobow kumaanka ah iyo kuwa Daraawiishta Axmed Madoobe gacantu uu ku dhigo, kana dhigto ciidankiisa gaarka ah isaga tooska uga amarqaata, (Jayshul-Kheyre), deetana uu u soo qaado Baladwayn geeyo qayb xerada Lama-Galaay, kadabibna kuwa u dhashay Hiiraan uu soo qaado kuna daro qaybta kale dhulka Maayland laga Keenay, afka uu u gelsho Ceelbuur iyo Gal-Hareeri iyo aaggaasi Shabaab haystaan, si doorashada soo socota uu koow deegaankiisu xisaabta uga soo bilaabo, geesta kalana ciidamada doolka ah Lama-Galaay la gaynayo loogu edbiyo xiliga doorashada shacabka reer Hiiraan ee loo adeegsado cid alaaliyo ciddii kahor timaadda rabitaanka siyaasadeed ee Kheyre iyo Fahad Yaasiin, iyado Mar afaraad ay xusid mudan tahay, in Kheyre oo Baydhabo 4 jeer tagay intuu xilku hayo, aanu gobolka Hiiraan hal mar xitaa aanu jaantu dhigin colaad wayn ay dhaxayso aawadeed, aadna uga cabsanayo, taaso Kheyre ku kaliftay, in ciidamo magaca qaranka wata Muqdisho iyo nawaaxigeeda intuu ka qaado Dhuusamareeb uu ka dajiyo, dabadeedna uu laamiga dheer mariyo sidaasi Baladwayn ku geeyo, taaso ka dhigan Kheyrihii tooska gobolkaasi u iman waayay ee si dadban ku socdo ku tagaya Hiiraan, arrinkaasi oo ay aad uga qayliyeen dhamaan ugaasyada shacab qaybihiisa kala duwan ee reer Hiiraan damacaasi gurracan ee siyaasadeed la isku hantininayo.
Ugudambayntii raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre oo qorshayaashiisu safarka ay cad yihiin, balse jihooyinkoodu hadba badbaddalayo dantiisu qosol ku darayo si yoolkiisu u gaaro oo Sabtada 14.9.2019 ku aaddan Magaalada Marka gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, ayaa taariikhdu kolkay ahayd Xudur kadib 12.9.2019, waxaa uu Magaalada Baydhabo JBM ka sheegay in, degmada Tiyooglow oo aan la xorayn uusan Baydhabo ka tagayn, taaso ujeedka uu ka leeyahay ay tahay, in saaxiibadiisi Albaqrullaahi sida Xildhibaan Afkintaal oo kale, oo soo noqoshadooda kalkan xildhibaanimadu ay ciriiri tahay, una kambayn garaynayaan isagu kalsooni inuu ku geliyo uu doonayo dadka deegaanka si ay u soo noqon karayaan uguna dooran karayaan madaxwayne isagu, taaso xaqiiqda uu wataa ay tahay, inuu digada ka dhigo siina dhamaystiro siyaasiyan iyo militerili iyo waliba dhaqaaliyan shacabwaynaha Jamhuuriyadda Barakaysan EE Maayland oo si dhab ah loogu soo duulay ixtilaalkuna lagu hayo teeriyo sanaddii 1960-kii la sheegay in xoriyad ay Soomaaliya qaadatay, balse gumaysi horlihi ay galeen ka xun ka caddaanka dadyowga aan ahayn Maxaga ee Maayow-Mayga gimgiman caashoodu aalt min masaajidka wayn Arbaca-Rukun ilaa seeriga Itoobiya iyo Keenya dhulka bahgooyada ah burwaaqada badan uunkoodu musiibooyinka gacankusamayska ah loo soo weeleeyo had iyo jeerna rifanka iyo lisanka lagu rido, taasooy mudan tahay inay si taxadar iyo dardar leh dhiifooni ku jidho ay uga gaashaantaan makriyada socda milgahoodu xididdada loogu siibayo halistoodu wuxu.
Xasan Cali Kheyre isla taariikh 12.9.2019 waxaa uu odayaal odayaal fadhi wayn baydhabo JBM uu kula kulmay u sheegay haddana war ka duwan kii Xudur intuusan aadin ah arrinka nadaxwayne Mukhtaar Roobow, ee uu raysal-wasaaruhu ku hadaaqay inaan madaxwayne Roobow la soo daynaynin "inta uu C/Casiis laftagareen (Karasaay) Baydhabo joogo,"
Kheyre waxaa bacdal Xudur uu sheegay, in madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur la soo daynayo, maamulka jooga la jajabinayo, kala badh jagooyinka awood-qaybsiga laga siin doono Isbaddal-doonka Mukhtaar hoggaaminayo, arrinkaasna ay ku ballansan yihiin Isbaddal-doonka iyo IGAD, hawshaasna ay wadato gaar ahaan beesha caalamka, kana sugayaan iyaka, taaso haddaba ku tusaysa munaafiqaynta wayn ee Kheyre maalmo gudahooda uu samaynayo, si dantiisu uga gaaro bulshada maayland ood mooddid inaanay waxba fahmahayn haddii si kasta loogu addimo meesha laga qaniinayo loo tuso sheego.
Magaalada Boosaso gobolka Bari Puntland ilaa iyo hadda inta la ogyahay waxaa saxariir jirdil nafta looga qaaday 20 ruuxo u dhalatay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, muwaadiniintaasi dhallinyarada u badan, waxaa soo qabqabtay Muxiidiin Gacmey oo ah janan haysta bilayska, waxaana dadkaasi iyago maharadooga iska jooga qaarkood guriga Gacmey inta sida ariga la isaga soo xaraystay "mid mid" habeenkii, into badda loo geeyay jawaano madax loo gelshay, qirta inaad Shabaab tihiin kaw looga siiyay biyaha badda hafasho, waxaana wali sii jira tiro dhallinyara ah qaar haatan gacanta ugu jira maamulka Puntland iyo qaar kalo meelo aan la ogayn lagu haysto la jir dilo, kuna jira safka dheer ee geerida silaca ah, bacdama ay Maayland u dhasheen siyaasi heer federaal iyo maamul u dooda midna aanay lahayn, oo darxumada guddaafadaha loogu dilayo dantu dabratay iska daranyoobay dugaaggu ay baylah noqdeen xaydhoodu la iska dhalaashanayo cawa iyo dharaarba, jirina qof looga cabsanayo daadinta dhiiggooda.


Se, Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa Aakhirooy amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc