Madaxda dowladda oo Shuruud ku xiray Sii deynta Wasiir Janan

0
Sunday September 08, 2019 - 20:16:58 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda dowladda oo Shuruud ku xiray Sii deynta Wasiir Janan

    Guddi ka socday maamulka Jubbaland iyo Waxgaradka Gedo oo la kulmay Madaxda Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay Shuruudo ka yimid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi ka socday maamulka Jubbaland iyo Waxgaradka Gedo oo la kulmay Madaxda Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay Shuruudo ka yimid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasoo looga baahan yahay Jubbaland in ay fuliso si loo sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan .
Axmed Maxamuud Cumar, Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Madaxa Banaan  Xaduudaha Iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen Mas’uuliyiinta dowladda  laakiin laga dalbaday Shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo Wasiir Janan.

"Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.


Waxaa sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubbaland.

"Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Axmed ayaa Risaala u xaqiijiyay Warkaan, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono Wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga Wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc