Qaraxyo lagula eegtay deegaanka Buurane ciidamo AMISOM

0
Sunday September 08, 2019 - 20:01:34 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo lagula eegtay deegaanka Buurane ciidamo AMISOM

    Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib labo qarax oo ka dhacday duhurnimadii maanta deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Sh.dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib labo qarax oo ka dhacday duhurnimadii maanta deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Sh.dhexe.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyadan lala eegtay ciidamada AMISOM ee fariisimada ku leh deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday kuwaasoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn saldhig ay ku leeyihiin deegaankaas.

Qaraxa koowaad ayaa geystey qasaare kooban halka markii ciidamo kale oo u soo gurmaday askartii wax ku noqotay qaraxa koowaad ay la kulmeen qarax kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo dhulka lagu aaso waxaana ciidamada AMISOM ay qabqabteen dhalinyaro ku sugnaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc