Ilaalada Xeebaha Turkiga oo xiray Tahriibayaal Soomaali ah

0
Saturday September 07, 2019 - 11:48:40 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaalada Xeebaha Turkiga oo xiray Tahriibayaal Soomaali ah

    Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay muhaajiriin farabadan oo ay Soomaali ka midyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay muhaajiriin farabadan oo ay Soomaali ka midyihiin.

Dadka la qab qabtay waxaa ay tiradoodu gaareysaa 236 qof,kuwaas oo u kala dhashay dalalka kala ah;

Syria, Somalia, Morroco, Bangladesh, Iraq, Afghanistan iyo  Congo waxaa ay doonayeen in ay gaaraan Jaziiradda Gariigga ee Chios sida ay uga sii gudbaan Yurub.

Howlgalka ayaa ka dhacay Xeebaha Gobolka Galbeed ee Izmir, ee Dalka Turkiga,waxaana muhaajiriintaas lagu hayaa xabsiyo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga.

Warbixin ay soo saartay dowladda Turkiga ayaa waxaa ay ku sheegtay in sanadkan 2019 oo kaliya ay isku dayeen 28,546  qof in ay galaan Qaaradda Yurub iyaga oo maraya xeebaha Dalka Turkiga.

Turkiga ayaa waxaa uu 2016kii Midowga Yurub kula heshiiyay xakameynta Muhaajiriinta iyaguna ay bixiyaan qarashka lagu heynayo, hayeeshee Erdogan ayaa dhawaan ka digay in uu fasaxayo 3.6 Milyan oo qaxooti Syrian ah si ay u galaan Yurub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc