Halka ay ku dambeysay cunaqabateyntii la saaray Jawad Zarif?

0
Thursday August 08, 2019 - 11:08:29 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halka ay ku dambeysay cunaqabateyntii la saaray Jawad Zarif?

    Hal toddobaad ka dib markii Maraykanku uu cunaqabateyn saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Mohamed Jawad Zarif, arrintaas oo keentay in laga yaabo in Zarif uu waayo xisaabaadkiisa warbaahinta bulshada, ayaa dawladda Maraykanka iyo shirkadaha tek

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal toddobaad ka dib markii Maraykanku uu cunaqabateyn saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Mohamed Jawad Zarif, arrintaas oo keentay in laga yaabo in Zarif uu waayo xisaabaadkiisa warbaahinta bulshada, ayaa dawladda Maraykanka iyo shirkadaha teknolojiga ay labaduba arrintaas ka aamusan yihiin.
Maamulka Trump ayaa cunaqabateeyey Zarif 31-ka bishii July, iyada oo Maraykanku uu sabab u dhigay in uu u adeego Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Cali Khamanei, kaas oo isagana ay dawladda Maraykanku cunaqabateyn saartay, iyada oo Iran cadaadis daran saaraysa.

Akoonka twitterka ee Jawad Zarif ayaa waxaa ku xiran 1.2 milyan oo qof, halka 729 kunna ay ku xiran yihiin akoonkiisa Instagaramka, kaas oo ay leedahay shirkadda Facebook. Zarif ayaa wali labada baroodba adeegsada ilaa markii cunaqabateynta la saaray dhamaadkii July.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc