WARBAAHINTA KU BOHOWDAY KOONFURTA SOOMAALIYA OO BOOQATAY HOOYGA SAMAFALE DRS KAAMILA KULMISO DENNHAAG NEDERLAND LAAKIIN!!

0
Saturday August 03, 2019 - 11:53:33 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBAAHINTA KU BOHOWDAY KOONFURTA SOOMAALIYA OO BOOQATAY HOOYGA SAMAFALE DRS KAAMILA KULMISO DENNHAAG NEDERLAND LAAKIIN!!

    Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo kaamil ah qalabkeedu u dhamaystiran yahay ee uu hoggaaminayo gudoonka Tiimka Jugta culus Mudane C/Rixiin Xaaji Cali Maaxi ayaa booqasho taariikha ah ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo kaamil ah qalabkeedu u dhamaystiran yahay ee uu hoggaaminayo gudoonka Tiimka Jugta culus Mudane C/Rixiin Xaaji Cali Maaxi ayaa booqasho taariikha ah ku tagtay hooyga halyeeyad halgamaa aas aasayaashii ururkii xaqudirka RRA Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland haatana ah samafasho si wayn looga yaqaan adduunyada waxtarkeeduna aad loo mahdiyay Drs Kaamilo C/Qaadir Caddow (Kaamila Kulmiso) Magaalada Dennhaag dalka Nederland galbeedka qaaradda Yurub.

Southern Media Co-Operation oo safaradeeda badi ku bixisa dadka haldoorada taariikhda wayn wax ku oolka ah ku leh bulshawaynta geeska Afrika gaar ahaan ummadda dulman Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland, ayaa siyaaradeeda waxaa ay Drs Kaamila Kulmiso ka wareysatay waxqabadkeeda iyo samafalka aan laga maarmin ay shacabkeeda u hayso halka uu marayo, bacdama in badan burburkan intuu dalku ka jirayba guntiga dhiisha isaga dhigtay u gargaaridda bulshadeeda dhibaataysan oo ay naafeeyeen dagaalladii sokeeye iyo isburbursigii Soomaaliya la dagay teeriyo sanaddii 1991 dowlladdi milatariga afka ciidda loo daray ee uu garwadeenku ka ahaa Maxamed Siyaad Barre Afwayne.
Drs Kaamila C/qaadir Caddow (Kamila Kulmiso) kolkii Studio-yaha wareega SMC ay kamaradaheedu tiradhaafka ah ku jeedeen barnaamijka jamiiciga ay si toosa ugala qayb qaadanayeen gudoonka Tiimka Jugta culus Mudane C/Raxiin Maaxi, wakiilka Tiimk Jugta culus dalka Nederland Mudane Axmed Cabdi (Axmed Olol) wariye sare Maxamed Ibraahin Waddani, madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey, Marwo Faay Maxamed Axmed, Marwo Faadumo Maxamed Calasow, Marwo Miya Muunye Abuu iyo muwaadiiniin kale, ayaa waxaa hadalada samafashadu laga dheehan karayay in gudoonka degmada Diinsoor haatan jooga ay hawsheedu samafalku is-hor-istaag dadban uu ku sameeyay, taaso wax aad looga naxo lalana yaaba ay tahay, in masaakiinta iyo agoonta dalkeeni dhibban waxbarashooyin bilaasha loo sameeyo, hooyooyinka xarumo daryeel caafimaad lacag la'aana ay helaan, ceelal-biyoodyo dadka iyo duunyaduba biyuhu ka cabbaan bilaa mushqaayad ah loo hirgeliyo, dawooyin bilaa qarash iyo gargaar aadminimo guud ahaan aan mannasheegasho aanu ku dheehnayn uu caqqbadeeyo gudoonku Mr Shigshigow.
Drs Kaamila Kulmiso oo madax ka ah ururka samafalka Horumarinta Waxbarashada hooyada iyo dhallaanka CAMEDO waxay carrabka ku dhufatay in waxqabadka ay xoraynta iyo samafalka dalka ka gaysatay marka laga reebo ay gudoonka degmada Diinsoor Mudane Shigshigow gurigeeda ay iyadu leedahay sanooyin kahor dajisay muddo 3 sanadoodna ay u dabajoogto gurigeeda in masaakiinta caruurta agoonti iskuul fii sabiilillaahi uga furto kanna heli la'dahay jawaab lagu qanci karayo teeriyo haatan isagoo waliba qasriyo kale cusub ka dhistay degmada, taaso mar kale fajac yaab iyo amakaag lagu tilmaami karayo in ruux masuul sheeganaya muwaaddin samafale ah misna dalka u soo halgamay siyaasadna aan ku jirin sida Drs Kaamila Kulmiso sidaa daallaacnasilnimada leh loola dhaqmo.
 Taariikhda haddaynu inyar gadaal u milicsano Marwo Kaamila Kulmiso ayaa ka mid ahayd gabdhihii ugu horeeyay ururka xaqudirka RRA ee Jamhuuriyadda barakaysan Maayland halgankii duurka u galay, islamarkaana xili kun shilin Soomaali qofkii ku siiyaa aadan waligaa halmaamahayn busaaraddu jirtay aawadeed, 170 kuno doollarka Mareykanka ururka ugu deeqday, taaso aysan cidna jago uga doonan joogadeenan dunida bal u taagnayd uun xoraynta dadkeeda.
Sido kale, Drs Kaamila Kulmiso waxaa ay shirkii dhismaha 6-da gobol ay ku bixisay dhaqaale waalan jeebkeeda, islamarkaana ay mudaharaad ku caminta albaabka xarunta Midowga Yurub EU Brussels xiligii Axmed Madoobe iyo qolyihii dhulboobku doonayeen inay dhaqaale Maayow Maayga lagu gumaadayo kaga qaadan habeen beesha caalamka aakhirkiina horseedday in lacagtii laga joojiyo oon la siin dhaqaalihii balanqaad uun loogu dhameeyay asxaabtii boobland.
Taariikhda halyeeyaddan nuuceeda naaridka ka ah geeska Afrika maanta naxariista iyo insaaniyadda  ka muuqata jirkeeduna laabta iyo qalbiga kaga beeran tahay Drs Kaamila C/Qaadir Caddow waxaa ay sida warbaahintuba aad kaga dheregteen waxqabadkeeda ay aas aastay ururka samafalka Horumarinta Waxbarashada hooyada iyo dhallaanka lagu Magaacaabo CAMEDO oo sida runta ah wax wayn ka baddalay qaab nololeedka bulshada gobollada webiyada oo inta badan dulmigu saanyaday joogadeena qarnigan casriga dunidu ay ka xorowday is addoonsigu laga ilbaxay caddaan iyo madowba midabada aadmigu, waana ruux caalamku aad looga ixtiraamo hadday ahaan lahayd qaramada Midoobe, Midowga Yurub iyo geeska Afrika ay u dhalatay oon xaafiisyada madaxda sarsare gobol iyo caalamiba ay u sarakacaan warbixinadeeda akadeemiga in badan aad u dhagaystaan tixnageliyaan.
Ugudambayntii barnaamijyada taxanaha ah ku saabsiisan taariikhda iyo xaalka geesiyaddan qiimiga badan leh Drs Kaamila Kulmiso oo maqalka iyo muuqaalkuba leh kala socon doontaan dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya, iyado shaqada kale ee socdaalka Southern Media Co-Operation uu ku qotomo in maxkamadda dambiyada adduunka The Heugue ay barabowsallo dhaadheer si akadeemig ah qubaro uga soo diyaarisay xasuuqii madaxwayne Maxamed C/LLaahi Farmaajo uu Baydhabo13.12.2018 ka gaystay iyo afduubkii gardarada ahaa madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur tahay inay u gudbiso, taaso markale dhirbaaxo kulul ku noqon doonta Farmaajaha fashilmay haatana dacwado isdabajooga Reer Maayland ay dunidu kaga fureen looga qaaday baasaboorkii Ameerikanka ahaa ee uu haystay la rajaynayo in bulshaduu awoodda iyo magaca qaranka Soomaaliya calanka buluuggu ku xasuuqay miradhalkeedu uu noqdo in maxkamadda adduunka isagoo katiinadaysan laga soo dajiyayo lana warsado dhiiggii uu xaqdaradu ku daadshay intuu xilku haayay isagu.


Qofaan waafaqayo aan iga waswaasinna waa la waayay dunida amar  Alle laakiin!!

By:Ustad Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc