Dowladda oo billaabeysa bixinta mushaarka Ciidankii Ahlu Sunna

0
Wednesday July 10, 2019 - 08:12:03 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo billaabeysa bixinta mushaarka Ciidankii Ahlu Sunna

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay billaabeyso bixinta Mushaarka Ciidamadii Ahlu Sunna ee ay dhawaan la wareegtay dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay billaabeyso bixinta Mushaarka Ciidamadii Ahlu Sunna ee ay dhawaan la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyte ayaa Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in laga billaabo Bisha sideedaad ee sanadkan ay dowladda Federaalka ah bixineyso mushaarka Ciidamada Ahlu Sunna ee ku biiray dowladda.

Waxaa uu xusay in booqashadiisa Galmudug ay horseedday in beelo badan ay hubka iyo ciidankii u gaarka ahaa ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha ayaa xusay in Magaalooyinka CabudWaaq, Xeraale, Huurshe  iyo Balanballe ay hub iyo ciidan ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayuu intaas ku daray in dowladda la wareegtay lana diiwaangeliyay islamarkaana ka mid noqon doonaan Ciidamada xoogga dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa reer Gaalkacyo ugu baaqay in sidoo kale ay qaadaan tillaabooyinka nuucaas ah ee ay qaadeen beelaha Gobolka Galguduud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc