Diiwaangelintii Ciidamada Degmada Balanballe oo maanta la soo gebagabeeyay.

0
Tuesday July 09, 2019 - 15:40:38 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diiwaangelintii Ciidamada Degmada Balanballe oo maanta la soo gebagabeeyay.

    Dowladda Soomaaliya ayaa Balanbale ku soo gaba-gabeysay wajiga koowaad ee habraaca diiwaangelinta askartii lagu wareejiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa Balanbale ku soo gaba-gabeysay wajiga koowaad ee habraaca diiwaangelinta askartii lagu wareejiyay.

Saraakiil Dowladda federaalka u xilsaartay diiwaangelinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday diiwaangelinta ciidamadii Ahlu sunna iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo Dowladda lagu wareejiyay.

Askari waliba magaciisa iyo qoriga uu watay ayay qorayeen guddigaan, iyaga oo diiwaangelin guud sameynayay, waxaana qorshuhu uu yahay in loo xareeyo tababar.

Sidoo kale guddiga ayaa qorayay dhalinyaro deegaanka ah oo loo tababari doono Booliiska Galmudug ka howlgali doono, kuwaas oo isugu jira rag iyo dumar.

Waxaa wali socda diiwaangelinta ciidamadii Ahlu sunna ee Galmudug ku biiray iyo maleeshiyo beeleed ku sugneed deegaanada qaar oo iyaga, hubkooda iyo gaadidkooda lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaasha Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Asluubta ayaa goobjoog ka ahaa markii la wareejinayay askartaan, waxaana ol-olaha diiwaangelinta hormuud u ah wafdi ka socda Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxa xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa markii uu wareejiyay Ciidamadii Ahlu sunna sheegay in xuquuq iyo xareynba ay la wareegtay Dowladda Federaaka Soomaaliya.

Waxaa wali socda diiwaangelinta ciidamadii ku sugnaa Magaalooyinka Xeraale, Caabudwaaq iyo deegaanno kale, iyo dib u hagaajinta xeryaha taliskii 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc