Ciidamo ka wadatirsan dowladda oo ku dagaallamaya Dharkenley

0
Tuesday July 09, 2019 - 15:35:19 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ka wadatirsan dowladda oo ku dagaallamaya Dharkenley

    Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Abagedo ee Degmada Dharkenley ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Abagedo ee Degmada Dharkenley ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya.


Dagaalka oo saacad ka badan socda sida ay BANA u sheegeen dadka degaanka ayaa waxaa uu salka ku hayaa Guri laga dhisayo xaafaddaas oo Ciidamada Booliska ay isku dayeen in ay lacag ka qaadaan.

Dadka degaanka ayaa u sheegay BANA in Ciidamada Booliska ah oo isku dayay in ay lacag ka qaadaan Guri ku dhow meel ay degganyihiin Ciidan Milatari ah uu dagaalkaas dhexmarayo.

Goobjoogayaal la hadlay BANA ayaa sheegaya in xaafadda Abagedo ee Degmada Dharkenley ay maanta cabsi badan ka taagantahay maaddaama dad rayid ah lagu dul dagaallamayo.

Ilaa hadda lama ogaan khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyada oo wali la maqlayo rasaasta u dhaxeysa Ciidamada dowladda ee Milatariga iyo Booliska u kala baxay.

Dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kale Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ugu dagaallameen Degmada Dharkenley iyo meelo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc