SHARCI XANUUN BADAN GABADHAADU HADDAY GUDUDANTAHAY DALKA SWITZERLAND HADDAAD KEENTID XABSI ADAGBAAD GELAYSAA LAAKIIN!!

0
Sunday June 30, 2019 - 10:25:44 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHARCI XANUUN BADAN GABADHAADU HADDAY GUDUDANTAHAY DALKA SWITZERLAND HADDAAD KEENTID XABSI ADAGBAAD GELAYSAA LAAKIIN!!

    Gabadhaadu hadday gudan tahay waddanka Switzerland haddaad keento xabsi adag baad galaysaa, waa sharci aad ugu xanuun badan waalidiinta badanaa muhaajiriinta ah ee u badan qaaradaha Aasiya iyo Afrika gaar ahaan Soomaalida. Dalka Switzerland oo hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhaadu hadday gudan tahay waddanka Switzerland haddaad keento xabsi adag baad galaysaa, waa sharci aad ugu xanuun badan waalidiinta badanaa muhaajiriinta ah ee u badan qaaradaha Aasiya iyo Afrika gaar ahaan Soomaalida. Dalka Switzerland oo horaanba u mamnuucay gudniinka gabdhaha nuucuu ahaadaba fircooni iyo Sunni, ayaa haddana waxaa uu dhowaan soo saaray sharci oranaya in waalidkii gabadh uu dhalay kahor intaanu cariga Swissku keenin soo guda kolka la ogaado xabsi adag iyo gannaax xanuun badan la isugu darayo.

Labadaraale sharcigan ayaa caddaynaya in xitaa cunuggaagu dhaddigga ah iyado gudan ee aad keentay dalka Switzerland, haddii ay qaangaadho ay awood u leedahay inay ku dacwayso sharcigaaso dowlladda konfederaalka Swiss-ku ay soo saartay sanadkii 2012-kii si toosa ahna haatan u dhaqangalay.
Sharcigan culus ayaa waxaa uu saamayn kulul ku yeelanayaa dhamaan waalidiinta ajnabiga ah gaar ahaan Soomaalida, waxaana uu si cad u sheegayaa in 2012-kii wixii ka dambeeyay waalidkii gabadh gudan keenay dalka Swiss-ku ay tahay inuu, ama, inay xabsi iyo gannaax adag isu diyaariso qodob sharciyeedka qorayana uu yahay tirsigiisa 124-naad oo ka mid ah sharciyada adag ee wadanka Konfederaalka Switzerland.
Kulan xasaasi ah oo arrinkan looga doodayay sharciyaqaanada dowlladda Switzerland iyo waalidiinta ajnabiga Soomaalidu u horayso ayna hoggaaminaysay Marwo Denis Scwegler oo ah madaxa guud ee kahortagga gudniinka haweenka dalka Konfederaalka Iswiisarlaan Caritas oo ay baal joogeen sharci-yaqaano qibrad badan ku duugan una dhashay isla dalka Swiss-ka iyo turjubaano dadka u kala warqaadayay ay hormood ka tahay Marwo Abshiro Aadan Hoosow lana shaqaysa dowlladda, ayaa si rasmi ah loogu casuumay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation ee uu horkaacayay madaxa guud ee saxaafadda Koonfureed Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey ooy ku weliyeen safarku tiimkiisi wariyaasha aadka u qalabaysan magaalada Biel caasimadda Bern.
Marwo Abshiro Aadan Hoosow oo geesteeda iyana u sharaxaysay Soomaalida iyo dadkii kalo qariibka ahaa sharcigan adagdhiilkiisa wata, ayaa iyada iyo bulshadii kala duduwanayd Soomaalida u badnayd goobta fadhiday, waxaa ay aad uga caroodeen sharcigaasi cusubo adag canaayaynaya waalidiintu, qaasatan qodobkiisaasi ku hadaaqaya in ilmo dhaddigo gudan haddii Swiss-ka la keeno waalidku xarig ku abaadinayo, kaaso waalidiintu ay isku raaceen in maxkamadda Midowga Yurub ay dacwaddoodu si wadajir ah ugu gudbisanaayaan ka dhanka yihiin sharcigan halista ku ah oo ay dowlladdu soo saartay tirsiga qodobkiisaasi 124-naad oo si qaawan u weeraray waalidiinta gabdhaha gudan leh gudniinba maruun ka dhacay hadday horay u joogeen dalka Swisska iyo haddii kalaba.
Warbaahintu waxay kamaradaheedu qabanayeen gudoonkii hore jaaliyadda Soomaalida dalka Faransiiska haatana ah gudoonka tiimka jugta culus ee Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland Mudane C/Raxiin Cali Maaxi oo aad uga doodaya qodobkaasi 124--naad oo wadnahabaa ku ah waalidiinta Soomaalida, iyado isna gudoonkii hore ee jaaliyadda Maayland dalka Switzerland Mudane C/Naasir Mayow Miire aanu afkiisu juuqdu gabin intii dooddu socotay.
Waqtigan ayno taaganahay ayuunbaa qoys Soomaali ah si toosa uu u taabtay sharcigan adag, kadib kolkii ay hooyo Soomaaliyeed gabadheedo gudan aabbahoodo horay u joogay waddanka Switzerland dhowaan la keenay ay hooyadaasi iyada iyo odageedu khilaafkoodu lagu ogaaday inay gabadhoodu gudan tahay ay hooyadii Maxkamadda ugu saraysa dalka konfederaalka Switzerland ay xukun adag ku soo ridday, taaso xaaladdeedu tahay Allow sahal.
Dadka ka faallooda arrimaha sharciyada ayaa qaarkood sharcigan ku sifaynaya mid siyaasadaysan si wayna looga soo fakaray si dadka qoyasaska ajnabiga Soogalowga ah Soomaalidu koow ka tahay looga hortago soogelitaankoodi dalka Switzerland, halka qaar kalana ay ku macnaynayaan sii adkaynta kahortagga gudniinka haweenka uun, taasoon walow sinaba qiil aan u siin karahayn waalid aan Switzerland sharciyadeeda war iyo wacaal toona kahayn waligiina aanu iman gabadhiiso gudan qaxoontinimo into Visa la siiyay kolkuu soo cagadhigto sidii qof horay u joogay dalka sharciyadiisna la socday oo kale dambiga loogu qaadayo taasoo ay la macna tahay cunug aan dhalan gafka caloosha hooyadii uu ku soo dhex sameeyay dunida goortuu yimaado dambiga lagu qaadayo oo kale, sida qaladdaadka laga tirsan karayo dabakeenka falkiisi xiliga dhalashada, waxaana ay u dhowdahay in qoysas farabadan oo ilmahoodu oo loola jeedo gabdhahoodu gudanyihiin 2012-ka wixii ka dambeeyay dalkan soogalay ay isaga huleeli doonaan bacdama la isku soo dabajiro xisaab adagna la isduldhigayo, haddaan si degdeg ah sharcigan wax looga baddalin, kaasoonan u muuqan in dhowaantan wax looga baddalayo.


Ugudambayntii warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya kolkii ay si muqarar ah shirkan heerkiisu sareeyo dowliga sida rasmiga loogu casuumay ay khatarta soo fool leh u guurguurisay dabadeed, waxaa ay wareysi kulul la yeelatay sidaan horaanba idiin sarbeebna madaxa ugu sareysa kahortagga gudniinka haweenka dalka konfederaalka Iswiisarlaan Caritas Marwo Denis Schwegler oo ay waydiisay sida sharcigan adag dhibka ku ah waalidiinta ajnabiga looga badbaadin karayo iyo sida ay u caawin karaan qoysaska godkoodu ay biyuhu ugu soo gali doonaan, iyado oo jawaabihii ay ka bixisay su'aalihii adkaa afafka Jarmalka iyo Soomaal-Maxaga aad ku daawan doontaan kuna dhagaysan doontaan maraan dheerayn idam Alle.

Saxaafaddu geesta kalana waxaa ay wareysi arrintan kala yeelatay gudoomisada jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Luzern Marwo Faadumo Cusmaan Karaane oo madasha xaadir ku ahayd, wareysigaaso isna saacadaha soo socdaa aad kaga bogan doontaan dhamaan website-yada iyo mareegta baraha bulshada ee warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo mar waliba u taagan u adeeggidda danaha dulmanayaasha shacabwaynaha geeska Afrika dacallada adduunka kala daadsan, si wax uun looga badbaadiyo dabaadigii haray.
Caana reeraha yaal bay ilmihii u carrabdaynayaan Soomaalidiina amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc