Degmada Shangaani ma hanti u gaar ah baa Basma Caamir Shakeeti?

0
Tuesday June 11, 2019 - 11:45:00 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Shangaani ma hanti u gaar ah baa Basma Caamir Shakeeti?

    Warbixin baaritaan ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ay si aan gambasho lahayn u maamulato Degmada Shangaani gaar ahaan Dhinaca dhaqaalaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin baaritaan ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ay si aan gambasho lahayn u maamulato Degmada Shangaani gaar ahaan Dhinaca dhaqaalaha.


Gudoomiyaha Degmada Shingaani Sahra Maxamed oo magacaabisteedii waxaa  ka dambaysay Basma Caamir Shakeeti  
Basma Caamir Shakeeti oo mar Gudoomiye ka soo noqotay Degmada Shingaani ayaa si awood sheegasho musuqmaasuq ah u maamulata Mushaarka Gudoomiya Degmada, iyo dhaqaale kasta oo soo gala Degmada.
Gunno intee la`eg ayaa la siiyaa Ilaalada Degmada Shangaani?
Degmada Shingaani waxaa Tobankii maalmood ee kasta  Ilaalada Degmada loo qorsheeyey oo loo soo dhiibaa lacag dhan 15 Milyan Shilin Soomaali ah, ilaaladaasoo tiradoodu loogu talagalay inay noqoto 10 ilaa 15 Askari oo qaarkood ay noqonayaan ilaalada gaar ah ee Gudoomiyaha Degmada, balse waxaa degmada Shangaani ilaalo ua ah 3 Askari oo mid ay dumar tahay waxaana sadexda askari lacagta loo kala siiyaa sidan  Gabadha askariyada ah waxaa la siiyaa Tobankii maamloodba shan boqol kun Shilin Soomaali ah, halka labada nin ee kale la siiyoo Tobankii maalmoodba min hal Milyan Shilin Soomaali ah,  lacagta kale ee soo harta oo dhan 12 Milyan iyo Shan boqol kun Shilin Soomaali ah waxaa qaadata Basma Caamir Shakeeti Taasoo ka dhigan in bil kasta ay Basma qaadato 37 Milyan iyo shan boqol kun Shilin Soomaali ah oo loogu talagalay Ilaalada Degmada, dhinaca kale marka Gudoomiyaha Degmada Shangaani uu meel aadaayo waxaa  hore u sii raaca oo ilaaliya  labo Askari taasina ay sababto in Degmada ay noqoto ilaalo la`aan.


Maxaa lagu qabtaa Lacagta horumarinta Degmada Shangaani?
Waxaa jirta lacag bil kasta la siiyo Degmooyinka Gobolka Banaadir looguna talagalay Horumarinta Degmooyinka lacagtaasoo dhan Afar kun Dollar, balse nasiib darada haysta ee u gaarka ah Degmada Shangaani ayaa ah in lacagtaasi aysan soo gaarin Degmada Shangaani waxaana si toos ah u leexsata Basma Caamir Shakeeti.

Mashaariicda aan joogtada ahayn.
Waxaa jirtay in mashruuc lagu tababarayey Kaluumaystada Degmada Xamar Weyne looguna talagalay in la siiyo dadkii ka qayb galay tababarkaas 5 doonyood oo kuwa kaluumysiga ah balse labo ka mid ah doonyahaasi waxa ay Basma Caamir ku andacootay in la siinaayo Kaluumaysatada Degmada Shangaani hasa yeeshee markii ay la wareegtay labadii doonyood waxaa la xaqiiyey inay iibsatay.

Basma Caamir Maxaa ka soo gala Deeqaha la siiyo dadka danta yar ee  Shangaani?
Qorshe waxaa jira lagu caawiyo dadka danta yar iyo barakacayaasha qaar ee ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana degmo kasta ay Boqol kaar aqoonsi caawinaad ah siisaa dadka ay u aragto in ay u baahan yihiin in la caawiyo waxaana qof walba oo hela Aqoonsigaasi la siiyaa Boqol Dollar oo loogu diro telefoonkiisa gacanta EVC, waxaana suuragal ah lacagtaasi in dhawr bilood oo xiriir ah bil kasta la qaybiyo lacagtaasi marna ay hakato.
Hasa yeeshee boqolka kaar aqoonsi ee Degmada Shangaani 60 ka mid ah waxaa toos u qaadatay Basma Caamir Shakeeti halka 40 ka haray loo qaybiyey dadka kale, waxaana bishii lacag loo qaybinaayo dan yarta ay Basma helaysaa 6 Kun Dollar.

Qoyska Basma Xaggee bay ka shaqeeyaan?
Musuqmaasuqa Basma Caamir kuma eka Degmada Shangaani oo keliya Balse Caruurta ay dhashay Labo wiil iyo Sadaex Gabdhood waxa ay ka shaqaalaysiisay Gobolka Banaadir sida qaybta Canshuuraha, Maaliyada iyo Qaybta Maareynta Masiiboobooyinka.

Marka ay intaa oo dhan dhacayaan Gudoomiyaha Degmada Shangaani Sahro Maxamed Amiin waxba kama qaban karto iyadoo ilaashanaysa Mushaarka yar ee ka soo gala xilka ay hayso laakiin dadka yaqaan Sahra waxa ay kuu sheegayaan inaysan ahayn qof faraxsan una muuqata qof meel looga dhagan yahay oo aan waxba ka qaban Karin. 

Masuuliyiinta Gobolka maxay kala socdaan Musuqmaasuqa Basma?
Dhinaca kale Gudoomiye Yariisow, ku xigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka banaadir dhamaantood waa waxaa laga qariyay xogta Musuqmaasuqa ee Basma Caamir samayso laakiin qofka keliya ee sheegi kara musuqmaasuqaa  waa Gudoomiyaha Degmmada Shangaani Sahra Maxamed Amiin iyaduna kuma dhiiran karto inay Gudbiso warbixintaa, waxaanse is leeyahay haddii qoraalka Warbixintana ay gaarto Gudoomiye Yariisow iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka ugu sareysa inay baaritaan ku sameeyaan  Ficilada Guracan ee damiir xumidda ku dheehan tahay ee  ay ku dhaqaaqday Basmo Caamir Shakeeti.
Waxaan isweydiin leh qof ku magacaaban Arimaha bulshada ee ku dhaqmay musuqmaasuqan ma ka shaqayn karaa Xaquuq Aaadne.

FG: Gudoomie ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Arimaha Bulshada Basma Caamir Shakeeti waxaan u dirnay Warbixinta hasa yeeshee waa diiday inay ka Jawaabto 

Warbixinta Musuqmaasuqa ee Basma Caamir Shakeeti intaa kuma eka hasa yeeshee qayb kale Ayaan idiin soo gudbin doonaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc