Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda AMISOM oo ka wadahadlay amniga dalka

0
Monday June 10, 2019 - 10:02:54 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda AMISOM oo ka wadahadlay amniga dalka

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga wadahadlay qorshaha howlgalka AMISOM ee dhawaan la siiyay muddo kordhinta iyo waxaa ay ku qabanayaan.

Sidoo kale intii uu kulanka socday ayaa la isla soo qaaday horumarka laga sameeyay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda dalka.

Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in AMISOM ay muhiim u tahay xasiloonida Soomaaliya islamarkaana ku dadaalayaan sidii AL-shabaaab looga saari lahaa dalka.

Waxaa kale oo uu Mr Francisco Madeira sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen horumarka Ciidamada AMISOM ay ka sameeyeen howlgalladii dhawaan ka dhacay Shabeellaha hoose ee lagu qabtay Bariirre iyo Sabiid.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc