Xaaf "Sanad ma tagin Gurigeyga Muqdisho, Cadaado diyaarad ayaan ku dulmaraa".

0
Monday June 10, 2019 - 09:58:21 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf "Sanad ma tagin Gurigeyga Muqdisho, Cadaado diyaarad ayaan ku dulmaraa".

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay dhalinyaro kula hadlayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in culeys siyaasadeed uu saaran yahay Maamulkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay dhalinyaro kula hadlayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in culeys siyaasadeed uu saaran yahay Maamulkiisa.


Waxa uu sheegay in aan Muddo sanad ah imaan Magaalada Muqdisho oo uu degen yahay, halka Magaalada Cadaado oo ah Xarunta Baarlamaanka Galmudug uu diyaarad ku dulmaro.

Sababta kahor taagan Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado waxa uu ku sheegay in culeys siyaasadeed uu saaran yahay, isaga oo tibaaxay in uu wado qorshe uu isugu tashanayo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay fulinayaan mashaariic kala duwan si ay dhaqaale ugu helaan shaqaalaha Galmudug.

Dhismaha ciidamada ayuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo, si ay isugu tashadaan sugidda amniga, ugana kaaftoomaan ku tiirsanaanta gacmo kale.

Todobaadkan waxa uu sheegay in ay ku dhaqaaqayaan dhismaha Wadada isku xirta Guriceel iyo Ceel dheere, isla markaana la shaqo gelinayo Wasiirada Galmudug.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in ay diyaar u yihiin iska caabbinta cid waliba oo uu tilmaamay in ay ku duusha Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug qaybta ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku kala aragti fog qabashada Doorashada Galmudug Bisha July ee soo socota, halka hogaanka Galmudug ay ku andacoonayaan in aan waqti xiloodkooda dhamaan, lagana soo bilaabayo xiligii ay la midoobeen Ahlu Sunna.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc