Meydka Wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay duleedka Muqdisho

0
Sunday June 09, 2019 - 13:32:02 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka Wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay duleedka Muqdisho

    Wararka laga helayo deegaanka Weeydow oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo deegaanka Weeydow oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo tegay halka lagu arkay Meydka Wiilka ayaa waxa ay  sheegeen in jrkiisa ay ka muuqdeen rasaas xoogan oo lagu dhuftay,isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in falka lagu dilay Wiilkaas uu dhacay waqtigii dambe ee xalay,isla markaana ay u geysteen kooxo hubeysnaa Bastoolado,kuwaasi oo falka kadib baxsaday.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tageen goobtii lagu arkay Meydka,iyagoo halkaasi ka qaaday.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Wiilka dhalinyarada ahaa,mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Weeydow oo ay uga hadlayaan dilka ka dhacay halkaasi.

Dadka kunool deegaanka Weeydow ayaa ka naxay dhacdada lagu dilay Wiilkii dhalinyarada ahaa ee saakay Meydkiisa lagu arkay halkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc