DALKA SWITZERLAND OO XAFLADO GILGILAYA AAWADA CIIDUL-FITRIGA LAAKIIN!!

0
Sunday June 09, 2019 - 10:30:30 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DALKA SWITZERLAND OO XAFLADO GILGILAYA AAWADA CIIDUL-FITRIGA LAAKIIN!!

    Sida u caadada ahayd ummadda Muslimka bacdal soon, dalka Switzerland waxaa lagu qabtay xaflad aad iyo aad u wayn oo lagu xusayo munaasibadda Ciidul-Fitriga, taaso ka dhacday magaalada St.Gallen ee bariga Switzerland. Xafladdan oo ay isugu yimaadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida u caadada ahayd ummadda Muslimka bacdal soon, dalka Switzerland waxaa lagu qabtay xaflad aad iyo aad u wayn oo lagu xusayo munaasibadda Ciidul-Fitriga, taaso ka dhacday magaalada St.Gallen ee bariga Switzerland. Xafladdan oo ay isugu yimaadeen dad aad u farabadan oo isaga kala yimid qaybo kala jaado ka tirsan waddanka Swisska isugu jira rag iyo dumar caruuruhu ay hormood ka yihiin, waxaa goobta khudbado ka jeediyay qaar ka tirsan martisharaftii lagu soo casuumay kulanka oo dareenkooda farxadeed la wadaagayay bulshada sharafta leh.

Munaasibaddan oo ay soo qaban qaabiyeen inay qabsoonto muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Ururka Dhallinyarada Samafalayaasha Soomaaliyeed ee Bariga Dalka Switzerland uu hoggaamiyo Mudane C/LLaahi Cali Jareere intii ay socotay waxaa halkaasi lagu soo bandhigay suugaan ka turjumaysa hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida cabiraysana farxadaha ku beegan maalmahan iidda oo kale.


Intii lagu gudajiray xafladdani wayn waxaa khudbado wadnaha gilgilay goobta ka jeediyay madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo si akadeemig ah uga waramay midmimada Soomaalida dalka Switzerland tahayna mar waliba in ay sidan isugu duubnaadaan mushtamaca Soomaalidu sidii ay Ciidil-Fitriguba si iskuduubnaashiyo leh ay sameeyeen.

Sido kale, kulanku waxaa khudbado nuxur leh ka jeediyay Mudane Maxamed Askar, Nuur Goosaaw iyo gudoomisada jaaliyadda gobolka Graubunden Ilhaan Maxamed Aadan, iyado goobtana lagu arkayay Mudane Xuseen Qoorleexshe oo isagu ah gudoomiye xigeenka Ururka Dhallinyarada Samafalayaasha Soomaaliyeed ee bariga Switzerland.

Guntii iyo gabangabadii xafladdan lagu waynaynayay maalinta Ciidul-Fitriga oo si rasmi ah loogu casuumay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation ooyna wajiyada badan birbirqaya wiilasha labisan iyo gabdhaha naashnaashan isku arkeen, ayaa gaws u raaxayn dabadii ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya.

Nin walibana intuu cunuu ciidamiyaa naag walibana intay nuujiso amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc