Wafdi ka socda Dowlada Turkiga oo gaaray Hargaysa.

0
Tuesday May 14, 2019 - 16:47:31 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 7
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Dowlada Turkiga oo gaaray Hargaysa.

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Somaliland.

Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen in ay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe hanaqaaday sida ay sheegtay Somaliland.


Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen in ay Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga Somaliland.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira Somaliland, isaga oo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc