Dowladda oo xaqiijisay duqeyn lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii Daacish-ta Soomaaliya

0
Monday April 15, 2019 - 09:47:23 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo xaqiijisay duqeyn lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii Daacish-ta Soomaaliya

    Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya,sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya,sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan degmada  isku shuban ee deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Howlka oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda waxa loogu yeero Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka,waxana lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii Daacish-ta Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob.

Dawladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, iyada oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc