Qarax lala eegtay Ciidamada Itoobiya & Khasaaro ka dhashay

0
Sunday April 14, 2019 - 10:53:46 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lala eegtay Ciidamada Itoobiya & Khasaaro ka dhashay

    Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eegtay deegaan u dhow Ceel-Barde Gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eegtay deegaan u dhow Ceel-Barde Gobolka Bakool.

Kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in lagu qarxiyey gaadiidkooda xilli ay ku wajahnaayeen degmada Xudur,isla markaana ay ka yimaadeen dhinaca Ceel-barde ee Gobolkaasi Bakool.

Qaraxa kadib Ciidamada Itoobiya ayaa furay rasaas farabadan wallow aysan jirin cid u jawaabtay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay socdaalkoodii sii wateen.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi kasoo gaaray ciidamada Itoobiya, hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi lagu dilay askar saarneyd mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Itoobiya oo uu qaraxa qabsaday.

Degmada xudur ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al-Shabaab,waxaana duleedka degmadaas inta badan ku dagaalama Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc