SAWIRO: GENEVA OO LAGU DHISAYO JAALIYADDA SOMALI-MAAY-SWISS

0
Sunday April 14, 2019 - 08:47:04 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: GENEVA OO LAGU DHISAYO JAALIYADDA SOMALI-MAAY-SWISS

    fasaskii siyaasadeed ee dalku ka dhacay fidmooyiinkay abuureen wuxu firadu duushay fulkaanooyiinkii qarxay firirkoodu faylasha gooyay faagatadu fujaasadii 1961-kii iyo, fookankii 1967-kii iyo, faranfardayntii 1969-kii iyo, fasahaadkii 1991-kii iyo, f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

fasaskii siyaasadeed ee dalku ka dhacay fidmooyiinkay abuureen wuxu firadu duushay fulkaanooyiinkii qarxay firirkoodu faylasha gooyay faagatadu fujaasadii 1961-kii iyo, fookankii 1967-kii iyo, faranfardayntii 1969-kii iyo, fasahaadkii 1991-kii iyo, falaxfalaxdii 1992-kii iyo, finiish iyo finaashtii 1996-kii iyo, faafan foofka faduushii 2001-dii iyo, fiririqdii fooriyihii 2007-dii iyo, filawaagii fudaygu 2009-kii iyo, fiidmeer-guurkii 2012-kii iyo fagfagtii faroocigan federaalka joohan fuskiisi fooqaystay xaajaduba faambiyay 2016-kii dhiiggu ku fooldhigtay fakaloolkii gaaxay caradu ay la faaryoomeen shacabweynaha Koonfureed luuqad ahaan Afka-Maayga ku hadla kana dhigan tiro 52% bulshaweynta geeska Afrika, si xisaabta dib loogu noqdo halka ay ka saxmayso qofba sadkii uu lahaa saamigiisoon laga sagsaagaynin 1940-maadkii siday Soomaali af iyo addin wax ugu qaybsan jirtay labadii xisbi MAAY iyo MAXA intaan dalka iyo gobollada Maaygu barwaaqada lihi lagu soo duulinon la qabsan xornimadii guud 1960-kii lagu sheegay dabadeed borobagaandooyiinkii masraxyada iyo Raadiyow Muqdishoow
or iyo qaylo ruumbo loogu furay qaranimo been ah loogu farabuugeeyay, naxdintii lagu rusheeyay xanuunkii ka dhashay wax yeelooyinkaasi ummaddan miskexdoodu falaagga ka dhigay magaca dowlladnimada iyo astaanta marada calanka buluugga ah canshuurihii xooggii dalka lagu dhibaateeyay isquuska iyo yaska iyo raddiddiilada iyo dabadhoonnimada aysan mudnayn isla hantidooda moodka iyo noolka maguuraanka dhiiggoogu lagu addoonsanayo falaadyadaasi goordambe ruux waliba godkiisu biyuhu ugu galeen fahamkii ka dhashay siyaasadahaasi sagagaran suntoodu wato, ayaa dhaliyay in dal iyo dibad qurbuhuna u horeeeyo sideeda cayriinka lagu kala baxo siday ahaan jirtay Soomaali Maay iyo Maxaa inay u kala dagtooy miiranto waxna u kala qaybsato laba dhig uun gumaystihii caddaanku intaanu waddanka ka huleelin iyo imaanshihiisi mandiqadduba kahor xiligii boqortooyooyinku Maayow Maaygu ay ka talin jireen dhulweynaha ku goomaaran webiyadu inta badana boobka sanooyinkan taariikhda dhigan horteed dadka Maxagi qaxoontinimadu ku imaan jireen laguna qaabili jiray si Islaamnimo iyo Bini-Aadamnimo ku dheehan tahay.


Si halbeeggii xaqsoorka ku dhisnaa miirqabka iyo miisaanka ku dhignaa 70 sanadood kahor magaca dowliga isir ahaan Maxaga dadka u dhashay ay u marin habaabiyeen alamku aawada ahdaaftooda guud, si ay u daaxuriyaan xoog iyo xaalba isjilcin iyo is-adkayn oraah ku go'an "nin dan lihi ma daalo," gacankudhigista iyo makaninta carigan nimcadu iska dhex ceegaagan tahay in badana dadka iska leh ay hurdeen, sifo looga hortago mashaqooyinka soo aloosan dabargoynta iyo makriyada loo soo maleegay xalaalquudata cidina aanay duullaan ku ahayn, balse iyaguun naftooda iyo maalkooda fadhigooda into loogu yimid lagu haysto dilayo, labadaraalana xukumadihii isaga kala dambeeyay geeska teeriyo waqtigi gobonima ku sheegga ooy maxagu kursigu ku adeeganayeen musuqa iyo xaqdarooyinka fuuqaystay eexda iyo qabyaaladda ku laran qaraabakiilnimada gaarsiisay inay eheladooda fiisooyin ay ku taagan dalalka caalamka ugu fududeeyaan, dabadeedna halkaasi ay isaga dhiibaan si ay wax ugu qabsadaan, isdhiibistaasi oo dhalisay haddana dhib kale u laba jibaaran dadka Maayga oo mid midkii rafaad iyo sitiir ku soo gara waddamada galbeedka ee uu isdhiibo dacwaddiisi qaxoontinimada laga khaldayo bacdama turjumaan Maxa ahi loo keenayo aanu war fahmayn iyo cuqddada hoose ka Maxagi u qabo ka maaygi Kiisku kas cad uga hallaynayo iyadoo uusan ogayn qofka caddaanka ahi sidaana sharci xuquuq qaxoontinimo leh ee uu wax ku qabsado ruuxa Maayga Koonfurta Soomaaliya ka soo galay ku waynayo, halka Isla ka u turjumayo misna ku dilayo gudaha dalkii beerihiisi ka yimid sidaana kor iyo hoos ku dhabbanyahay laba dhaban uu ku jiro, ayaa waxaa magaalada Geneva xarunta labaad Qaramada Midoobay lagu qabtay shir caalami ah oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada qaybaheeda kala geddisan Somali-Maay-Swiss ee ku kala nool 26-ka gobol uu ka kooban yahay waddanka yar ee qaniga ah Switzerland dhacana bartamaha qaaradda Yurub.
Shirkan ayaa la filayaa inuu u owliyo noqdo guud ahaan isku xirka Soomaalida Maayga ku hadasha ee ku kala nool daafaha dunida inay dhisaan jaaliyad Soomaali Maay oo xoog badan, taaso midaynaysa gabi ahaan dadyowga isirkoodu Maayga yahay iskana leh oo daga dalka Koonfurta Soomaaliya.
Kulankan oo ay aad uga dhex muuqdeen aqoonyahano farabadan qaarkood xilil sarsare ka soo qabtay Soomaaliya mar aan dhowayna lagu arag shaashadaha warbaahinta sida:- gudoonkii hore ee guddiga sanaadiiqda doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960-meeyadii Xaaji Maxamed Awoow, Mudane C/LLa Saciid, Mudane C/Naasir Mayow Meere, Mudane Proff Saalax Shiikh Cusmaan, agaasimihii hore ee Somali Airline Mudane Casharo, mudane Ismaaciil Maxamed Luunge, mudane Sulaymaan Aaroow, Mudane Maxamuud Maxamed Cabdi Jubba, Marwo Shoobto, Marwo Faadumo Abuukar, Marwo Sacdiya Cumar, Marwo Nuurto Xaaji Maxamed, Marwo Fartuun Xasan Maxamed, Marwo Aadan Hoosow.

SIda warqadda casuumaadda lagu xardhay, waxaa madashan ku casuunaa siyaasiyin iyo aqoonyahano farabadan ay ka mid yihiin gudoonkii hore Ururkii Dhaqaaqa Dimoqoraaddiyadda (SDM) Dr Cabdi Muuse Mayow, Madaxii hore ee banggiga dhexe Soomaaliya, Mudane Xaaji Yuusuf iyo siyaasiyin kalon ka dhicin oo si rasmi ah dhibibada loogu aasayo jaaliyadda Somali-Maay-Swiss Community, taaso horseedi doonta midnimada inta Maayga ku hadasha sahli doontana qofka Maayga ah qaxoontinimada ku soo galay dalka Switzerland inuu helo turjubaan Maay ah ee uu af yaqaan kiiskiisi aanu ka hallaynahayn.
Guddi loo saaray dhismaha jaaliyaddan Koonfurta Soomaaliya dalka Swisska oo kahor intaanay xafladdu furmin saacado dhawr ah shir albaabadu u xiranyahay ku qaatay Geneva waxaa la go'aamiyay in jaaliyadda la caalimeeyo dunido dhan midnimadan ay ka dhex soofto kulanka xigana dhamaystirkeeda la isugu soo noqdo muddo 6 bilood gudahooda haddii Illaahay ka raali noqdo.

Shirkan taariikhiga intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay suugaanta hiddaha iyo dhaqanka quruxda badan ee Maayga Soomaaliyeed oo ay soo bandhigayeen fanaanti qaranka oo ay horkacayeen sida:- Ustaad Cabdow Muuri iyo Cumar Shariif geesta dumarkuna ay hoggaanka u haysay hobolladda codka hallaansiga ah leh loogu wanqalay Caddeey Cali.

Goobtan la isku arkay oo darbiyada kore agaha saqafka aad loogu arkayay calamada dalalka Koonfurta Soomaaliya iyo midka Switzerland ka federaalkuna ka dhex muuqanayay, ayaa sido kalana lagu casuumay warbaahinta xoogga badan qarnigan Southern Media Co-Operation ee uu hoggaaminayay Madaxa guud ee saxaadda Koonfureed Dr C/LLaahi Ibraahim Xasan Amaandhoorey oo isagu nafsaddiisi madasha ka hadlay khudbad akadeemig ahna maykaroofanka ka sii daayay, taaso wax badan ka baddashay guud ahaan jawiga shirka.

Gudoonkii hore ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Faransiiska, haatana ah gudoomiyaha Tiimka Jugta Culus Mudane C/Rixiin Cali Maaxi oo ka mid ah qaanqaabayaasha isu-imaatinkan ayaa hadal qiira leh ka shanqariyay, kaaso dareen qaranima hor leh ku beeray idil ahaan dadyowgii munaasibaddan xaadirka ku ahaa oodno mooddo martisharafkaasi qoom uu dulmigu daashaday imikadana doonaya madax banaani ku qotonta nin kasta wixiisi Allaha u barakeeyo.

Ugu dambayntii shirkan miskex shiil farabadan saacado arrimo ad adag la gorfeeyay kadib, waxaa uu ku soo dhamaadi jawi aad u heer sareeya, iyada oo shaqadii rasmiga ahayd jaaliyaddan la dhisay ruux waliba meesha uu kaga aaddan yahay dusha loogu saaray isla goobta.
Mukay geedahaa laga yaqaan wixii niisaan iyo miirqab lagu dhigana muran maba ka yimaadaan amar Alle laakiin!!
By:Ustad Adam
Wariye Adam Increase.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc