
DAAWO:-SHINTIRSIGA TAARIIKHDA SAFARKA RASUULKA EE SAMAAWAADKO LAGU QABTAY DALKA SWITZERLAND!!
Taxanaha taariikhda taxan nusuusaha iyo addillooyinka suquuqulku aanu ku jirin culimada ku dhaadata diinta Islaamka aadna u weelaysa amarada samaawaadka ugub ambiyada loo soo mariyay maqluuqa aadmigu u horeeyo iyo dadka u dhugtayeesha waxyigu oo u jidbaysan dhagaysiga safarkii ugu dheeraa bini aadam ee uu dunida kore ku gaaro ama abuurka kalo dhan, kulan mashruucaasi khayriga qiimiga badan fududaynaya ayaa lagu qabtay magaalada Zurich xaraunta ganacsiga ee waddanka Switzerland oo dhaca bartamaha qaaradda Yurub bari iyo galbeedba.



















Laylatul-Micraaj habeenkii nebi Maxamed
Cs dunida sare loo dheelmiyay lana soo tusay aayaadka waawayn ee
Rabbul-caalamiin sida Jannada iyo Naarta iyo hawlaha kala awrane ka kala
socda kana qaybgalay xafladdiisi qarada waynayd caleemasaarkiisu ay
dhamaan ambiyadu soo xaadireen macalinkiisi misna saaxiibkiisi qaaskuna
la socday malagga quwadda Raxmaanku u dhameeyay Jibriil cs, shintirsiga
sanadlaha xusuusintaasi qalbiyada u roon goob loogu madlanaa ayna soo
agaasimeen mutacalimiinta ku xeeldheer diinta Islaamka in badana
waqtigooga iyo dhaqaalahooga geliya ayaa lagu qabtay magaalada Zurich
xarunta beeyamushtarigga ee dalka Switzerland.
Warbaahinta Southern
Media Co-Operation oo si rasmi ah loogu casuumay xafladdan sida heerka
sare loo soo maamuusay, waxaa ay indhaheedu qabanayeen martisharaf aad u
farabadan khayrdoono ka soo qayb galay munaasibadda, kuwaaso meel fog
fog iyo goobo dhowdhowba ka soo kala safray ayna isugu jiraan rag iyo
dumar muxsiniin ah badina caruurahoogu ay jiidayeen.
Munaasibaddan si wayn loogaga sheekeynayay Micraajka rasuulka cs, waxaa siirooyinka martida iyo martigeliyaashuba dhagahooda deeqsiiyay shiyuuqda kala 1.Shiikh Maxamuud Guri-Ceel. 2. Shiikh Nuuradiin Macalin Maxamuud. 3.Shiikh Axmed Duuri. 4. Shiikh Cayduruus Macalin Maxamuud5. Shiikh Maxamuud Xuseen Ataraabuluusi iyo 6. Shiikh Muxyadiin Macalin Axmed.
Munaasibaddan si wayn loogaga sheekeynayay Micraajka rasuulka cs, waxaa siirooyinka martida iyo martigeliyaashuba dhagahooda deeqsiiyay shiyuuqda kala 1.Shiikh Maxamuud Guri-Ceel. 2. Shiikh Nuuradiin Macalin Maxamuud. 3.Shiikh Axmed Duuri. 4. Shiikh Cayduruus Macalin Maxamuud5. Shiikh Maxamuud Xuseen Ataraabuluusi iyo 6. Shiikh Muxyadiin Macalin Axmed.
Guntii iyo gunaanadkii, xafladdan caami iyo culimiba ka
qaybqaadashadeedu aanay u soo kala harin aadna mooddo wax khilaafa
inaanay ka taagnayn dhanka firqooyinka kolka loo eego Micraajku, ayaa
waxaa ay ku idlaatay jawi aad u wanaagsan, iyada oo sharaabka iyo gaws u
raaxayntuna aad mooddo dadku inay u siqi yihiin qarash garaynta
kulamada nuucaan oo kale oo aanay wax kala aragti duwanaanshiya ah ka
dhex aloosnayn mufasiriinta dunida Islaamka looguna haaraangalo diinta
xaniifka ah munasalka ah ee saaxiibul-waxyiga ku soo aroorya-dhuray
qalbiga nebi Maxamed cs teeriyo haatana iftiinkeedu adduunyadu ay ku
kala socoto.
Nabaddu waa lagu tarmaa tawxiidkaana lagu hodmaan sida ku taxan taariikhahana amar Alle laakiin!!
By:Ustad Adam
By:Ustad Adam




















DAAWO:-SHINTIRSIGA TAARIIKHDA SAFARKA RASUULKA EE SAMAAWAADKO LAGU QABTAY DALKA SWITZERLAND!!
Taxanaha taariikhda taxan nusuusaha iyo addillooyinka suquuqulku aanu ku jirin culimada ku dhaadata diinta Islaamka aadna u weelaysa amarada samaawaadka ugub ambiyada loo soo mariyay maqluuqa aadmigu u horeeyo iyo dadka u dhugtayeesha waxyigu oo u ji