MAGAALADA CHUR OO KITAABADEEDI SOOMAALINIMADA LA SOO BAMBAXDAY LAAKIIN!!

0
Saturday March 02, 2019 - 23:22:27 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAGAALADA CHUR OO KITAABADEEDI SOOMAALINIMADA LA SOO BAMBAXDAY LAAKIIN!!

    Faldhiggeedu xaflad aan lagu fududaan aad looga fiirsaday farsamooyin xooggan iyo falluusyo badan lagu baxshay heerkeeduna yahay kii ugu sareeyay nuuceeda taariikhda inta la ogyahay ayaa si toos ah loogu dhigay xarun-goboleedka Chur ee gobolka ugu wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faldhiggeedu xaflad aan lagu fududaan aad looga fiirsaday farsamooyin xooggan iyo falluusyo badan lagu baxshay heerkeeduna yahay kii ugu sareeyay nuuceeda taariikhda inta la ogyahay ayaa si toos ah loogu dhigay xarun-goboleedka Chur ee gobolka ugu wayn dalka Switzerland magaciisu yahay Graubunden kaasoona dhaca joqaraafi ahaan isla bariga dalkaasi, taasoo ay ka soo qaybgaleen martisharaf aad u farabadan mug iyo magacba miisaan culusna ku leh madashasha lagu kulmay iyo degmooyinka gobollada hareereeya waddanka iyo debaddiisuba daacallada adduunka.

Furitaanka kulankan baaxadda leh oo ay soo agaasimeen Soomaalida ku nool gobolka Graubunden jaaliyad ahaan, ayaa looga gol lahaa sidii dadka walaalaha Soomaalida ihi isu baranlahaayeen iyo bandhig lagu soo bandhigayay hiddaha iyo dhaqanka qurxoon ee Soomaalida, loona xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka walaaltinimada Soomaalinimadu u wayntahay, waxaana goobtaasi ka hadlay masuuliyin kala duduwan sida:- Marwo Ilhaan Maxamuud oo haatan ah guddoomisada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Chur oo ku dheeraatay sida warkeedu laga dheehanayay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada-noolaanshiyaha dadka walaalaha ah si ay u soo laabato astaanta dhaqankii suubanaa Soomaalidu lagu yiqiin waa'
Sido kale, goobta waxaa si lama filaan ah loogu arkay siyaasiga rugcaddaaga ah madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo khudbad dhaxalgal ah u jeediyay martisharaftii qiimiga iyo qaayaha lahayd meesha isugu timid caddaanka iyo madowga leh, isagoona aad ugu dheeraaday muhiimadda uu leeayahay INTEGRATION-ka ishdexgalka iyo sida natiijada wacan loogu miradheefsido aakhirka iskuduubnida dadka meel ku wada nool kolka ay xooggoodu hal meel isugu geeyaan, iyadoona gun looga dhigayo isu calool-fayoobida kuna linkaxan daacadnimada ficil tarkiisu muuqaanayo hagardaamo aanay ku milnayn xashaashaqaya qalbi ku seemaalan gobanimadii asalraaca u ahayd sinjiga Soomaaligi sida laga helayo sooyaalka cibarka marnaba aan la leexaamin karin udub dhexaadkana u ahaa guud ahaan hanaanka dhaqandhaqanka iyo halbeegga cabbirka dhawritaanka sharafka maamuuska dadnimada dadyowga mandiqaddan aynu kor ku soo xusnay kulaala kuna soo caanamaalayay qarniyo ka qarni qayaastii in ku dhow kumaanaan sanadood guulihii u dhignaa inta looxaanta wadciga daraanteeda wareegta dunidu ay qorayaan. Datoorku geesta kalana waxaa uu amaan iyo bogaadin dul huwiyay dhamaan qabanqaabayaasha xafladda midnimada jaaliyadda Soomaalida gobolka ka hanaqaadaysa oo hiddihii soojireenka dadyowga geeska Afrika ku caanka ahaayeen iyagoo ku faanaya la soo bambaxay, si ay u tusaan ulana wadaagaan dadka kale aanay isku jinsiga ahayn oo ay la nool yihiin.
Silsiladaha khudbadaha xafladdu intii ay si darandoori ah u sii socdeen, dhanka kalana waxaa si talantaali ah masraxa heeso aad u shidan uga qaadayay qaar ka mid ah fanaaniinta qaranka ku nool dalka Switzerland ee uu horkacayay hobalka codka hallaansiga ah leh majaajilayste Madow oo sida runta ah ruxay hoolka waxna ka baddalay dareen ahaan jawiga xafladda, kagadaal kolkii uu suugaantiisa la yaabka leh si kal iyo laab ah ugu fasaxay daloolka dhegaha dadweynaha, isago gacanta ku haysta maykaroofanka afka furan codbaahiyaha dananka iyo sharqamaha qalabka shalax shalaxlaynaya siiqadooda ku harqiya dhagaystayaasha si waafi ah.
Warbaahinta ku bohowday Koonfurta afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-operation tiimkeeda oo si buuxda u qalabaysan looguna casuumay xafladdani si rasmi ah xaadir ku ahayd madashan aan caadiga ahayn, waxaa ay indhaheedu saartay gabdho naashnaashan iyo wiilal wajiyo iftiimaya leh iyo caruuro aad u qurqurxoon foolkoodu birbirqaya dhalaalka ka baxaya aawadii kuna labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka lagu yiqiin Soomaalidii samayd ooy calanka buluugga ahina ku xardhan yahay qaybaha jirkooda, taasoona indha-dhaygag iyo farxad wadnaha gaararkiisa taabanaysa muddo ku reebtay qof kasto dhuganayay qaabaalka san ee ay u dhacaysay xafladdani xamaasadda lahayd ee u gooniga ahayd guud ahaan Soomaalida bariga cariga Iswiisarlan. 
War iyo gun, xafladdani oo bulshada qaybaheega kala geddisan ay isugu yimaadeen, ayna ugu horeeyaan ragga iyo dumarka caruuruhuna aanay ka marnayn kana dhex muuqanayay masuuliyinta iyo shacbiga Swiss-ka ayaa isbarasho iyo dhoollacaddaysmo dabadeed iyo goos u raaxaynba, waxaa ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya, iyadoona balse aanay ka dhignayn taa  inay ahayd xafladdii ugu horaysay ee Soomaalida gobolka ku dhaqani ay qabsato.
Intaynan ka farxalan arrimaha khudbooyinka waxaa xafladdi khudbad ku lahaa isna Macalin cusmaan oo loo garanayo Macalin Cusmaan, waxaana sidoo kale kulanka khudbad dhaxalgal ah ka jeediyay gudoonka guddiga jaaliyadda gobolka St.Gallen Mudane xuseen Qoorleexsho oo garbihiisu ay garab taagnaayeen dhallinyaro farabadan oo marti iyo martigeliyaasha isugu jiray uuna ka mid yahay Gudoonka Ururka Dhallinyarada Samafalayaasha Bariga Switzerland Mudane c/LLaahi Cali Jareere oo in badan dadaalkiisu daacadnimada bulshadiisu aad inuu ugu adeego horaanba ummaddu marqaanti uga noqotay.
Taariikhda haddii aynu dib ugu yara noqono iskudayga ah in gobolka Graubunden jaaliyad laga aas aaso, waxaa ay markii ugu horaysay ka soo bilaabatay magaalada Davos ee xarunta dhaqaalaha adduunka oo Soomaalidii halkaasi dagganayd sanadkii 2009-kii xiligaasi ay is asagoon dalban bilaa tartan gudoon ugu doorteen Ustad Adam Increase iyo 3 guddi oo garab taagan oo kala ahaa. 1.Mudane Caabdi Muuse. 2.Mudane C/ifitaax Nuur Xasan (Ugaaska) iyo Proff Saalax Shiikh Cusmaan, waxaana ku dhowaad 10 sanadood kadib maantadan Soomaalidu iyago si xor ah  gudoonka jaaliyad shaqaysanaysa ugu doorteen Marwo Ilhaan Maxamuud, iyadoona tahayna jaaliyaddan inay tusaale fiican u noqon doonto dhamaan jaaliyadaha kale ee dalkan si ay ugu daysadaan reer Chur-ka imikadan wacdaraha lama ilaawaanka ah soo bandhigay waxtarka u leh gabi ahaan inta ku abtirsata calanka xiddigta shan geesoodka leh  daafaha adduunyadu meel walbooy ay ka joogaan, waxaana la filayaa in gobolkan gobolka la dariska ah ee la yiraahdo St.Gallen jiha ahaana ka wada tirsan dhanka bari Soomaalida ku dhaqani badankood iyana ay u samaysan doonaan jaaliyad midaysa kuna timaadda doorasha xaq iyo xalaal ah aanay mugdi ku jirin, si ay horumar ugu talaabsadaan nolosha adag ee qurbaha salbaqbaqa iyo iskadawareegga Soomaalidu daashaday musuqa iyo ninjeclaysiga musiibada ahina barta ay ku gashiiman yihiin ay ugaga guuraan goob cosob ah aan gabadano ahayn gendiguna ku yar yahay sifo ayan dushoodu ugu soo daahir noqon hadalkii raagay suugaaneed ee Soomaaliyeedo ahaa "dameer 2 qof fuushan tahay ii fansaar malaha, ruuxii feesta ku falaalana malaha doofaar finaaqu furar ku maalay fookankiisu kala faatixayste bulshadiina falaadkeeda amar Alle laakiin!!




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc