Al.shabab oo war lama filaan ah kaso sartay dilka madaxii Dp world, fariina u dirtay imaaradka

0
Tuesday February 05, 2019 - 02:40:10 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al.shabab oo war lama filaan ah kaso sartay dilka madaxii Dp world, fariina u dirtay imaaradka

    Kooxda Al.shabaab ayaa war kasoo saaray toogashadii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso laguna dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa maareyihii shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka carabta ay leedahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al.shabaab ayaa war kasoo saaray toogashadii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso laguna dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa maareyihii shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka carabta ay leedahay.
Sheekh Cali dheere oo ah Afhayeenka kooxda shabaab ayaa sheegay in howlgalkas uu ahaa mid lagu difaacayo Kheyraadka umadda Soomaaliyeed oo ay boob ku hayaan dowlado iyo shirkada shisheeye.

Wuxuu sheegay in shirkadda DP World ee dowladda imaaraatka Carabta ay dhibaato ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed islamarkaana ay dekadda Boosaaso ka eriday shaqaalihii muruq maalka ahaa ayna keensatay shaqaale gaalo ah, isagoo farriin udirayay shirkadaha kale ee ajnibiga ah ee ka shaqeya gudaha somaliaā€¯




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc