Puntland oo Shaki ka muujisay doorashaddii Laftagareen

0
Friday December 21, 2018 - 16:48:55 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Shaki ka muujisay doorashaddii Laftagareen

    Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa walaac badan ka muujiyay doorashadii Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee Arbacadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa walaac badan ka muujiyay doorashadii Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee Arbacadii ka dhacday magaalada Baydhabo.


Puntland waxa ay sheegtay in  dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka.

Doorashadii lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayay ku tilmaameen Golaha Wasiiradda Puntland mid sharci daro ah oo baalmarsan taageeradda iyo rabitaanka Shacabka.

"Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa yiri war kasoo baxay Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc