Guddoomiye Mursal oo ka guuray Madaxtooyadda

0
Wednesday December 12, 2018 - 12:28:45 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Mursal oo ka guuray Madaxtooyadda

    Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.


Waxaa uu sheegay in arintaan in ay timid ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu u diiday Gudoomiye Mursal in ay la kulmaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu degay Hoteel ku yaalla Agagaarka Garoonka Aadan Cadde, islamarkaana uu halkaasi ku qaabili doono Xildhibaanada Mooshinka wadda.

Goobta uu degay Gudoomiye Mursal ayaa waxaa gacanta ku haaya  dad Ajaanib ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in halkaasi ay degan yihiin xubno ka mid ah Beesha Caalamka.

Maxamed Mursal, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa saarnaa cadaadis badan tan iyo markii uu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne Farmaajo 9-kii bishan.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Gudoomiye Mursal laga jartay Korontadii iyo biyihii gurigiisa ku yaalla Gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc