Xildh. Jeesoow: 'waxaan soo jeedinayaa in wasiirrada ay 4ta sano la dhameystaan madaxweynaha'

0
Tuesday November 20, 2018 - 08:29:06 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Jeesoow: 'waxaan soo jeedinayaa in wasiirrada ay 4ta sano la dhameystaan madaxweynaha'

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa ka hadlay isbeddalada deg degga ah ee mararka qaar lagu sameeyo Wasiirada Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa ka hadlay isbeddalada deg degga ah ee mararka qaar lagu sameeyo Wasiirada Somaliya.


Xildhibaan Jeesoow oo ka hor hadlayay kulankii u danbeeyay ee golaha Shacabka oo ay yeesheen Isniintii, waxa uu ku sheegay in ay muhiim tahay in mudada Madaxweynaha xukunka hayo ay la dhameystaan Wasiirada Xukuumada Somaliya.

Waxa uu tilmaamay in la arkay Wasiiro xafiiska fadhiyay wax ka yar 3 Bil kuwaasoo markii dambe shaqada laga eryay, Arintaasi ayuu sheegay in ay tahay mid Niyad jabineysa wasiirada kale ee xafiiska fadhiya.

Si Kastaba, Golaha Shacabka ayaa Shalay aqrintii 2-aad marsiiyay sharci ku saabsan xuquuqda Liil-tirka (Dhayma-nololeedka) Siyaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sharcigan ayaa Siyaasiinta DFS u ogolaanaya in ay helaan gunno ka ilaalisa in ay noloshoodu xumaato marka ay xilka ka dagaan kadib ama ay hawlgab noqdaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc