Jubaland oo dil ku fulisay Askari Bishii la soo dhaafay Nabaddoon ku dilay Kismaayo

0
Monday November 19, 2018 - 10:11:23 in Wararka by
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland oo dil ku fulisay Askari Bishii la soo dhaafay Nabaddoon ku dilay Kismaayo

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi,kaas oo lagu helay dil nabaddoon oo ka dhacay Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi,kaas oo lagu helay dil nabaddoon oo ka dhacay Kismaayo.


Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi, ayaa lagu helay in uu si bareer ah Magaalada Kismaayo ugu dilay Nabaddoon Xassan Goolo, 27kii Bishii la soo dhaafay ee October.

Askariga saaka dilka lagu fuliyay waxaa uu ka mid ahaa 11 Askari oo ka gadooday Maamulka Jubaland kuwaas oo magaalada Kismaayo kula dagaallamay Ciidamada amaanka.

Nabaddoon Xassan Goolo, xilliga uu dhimanayay waxaa uu nabadeyn ugu tagay askarta gadoodday oo uu doonayay in uu ku soo celiyo Ciidamada.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Maamulka Jubaland ayaa sheegtay in toogashada Askarigaas ay tahay qisaasta Nabaddoon Xasan Goolo.

10ka Askari ee kale ayaa sidoo kale iyana lagu xukumay Xukunno kala duwan oo ay ka midyihiin xabsi gaaraya 15 Sano.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc