Shariif Xasan Sh. Aadan oo lumiyey saaxiibadiisa siyaasadda KGS!

1
Monday October 29, 2018 - 17:32:48 in Wararka by
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan Sh. Aadan oo lumiyey saaxiibadiisa siyaasadda KGS!

    Khilaaf muddo qarsoonaa una muuqda in uu yahay kii ugu xumaa ee abid oo soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh iyo Taliyaha booliska Koofur Galbeed ayaa hadda bannaanka u soo baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf muddo qarsoonaa una muuqda in uu yahay kii ugu xumaa ee abid oo soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh iyo Taliyaha booliska Koofur Galbeed ayaa hadda bannaanka u soo baxay.


Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee KGS Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo taliyaha Booliiska KGS SG Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxa soo kala dhexgalay khilaaf iyo muran kusaabsan habka loo maareynayo ciidanka iyo arrimaha la xiriira doorashada KGS oo qorsheysan in ay dhacdo haddii Alle idmo November-2018

Khilaafka oo  soo jiitamayay in muddo ah islamarkaana la qarinayay ayaa banaanka u soo baxay markii uu Shariif  Xasan dib ugu laabtay Baydhabo todobaadkii hore, isagoo ka soo duulay magaalada Garoowe oo uu uga qaybgalay shirkii dowladgoboleedyada.

Sarreeye  Gaas Mahad C/raxmaan Aadan oo muddo dheer ku jiray saaxiibada ugu dhow ee Shariif  Xasan ee dhinaca Abaabulka iyo diyaarinta munaasabadaha iyo dhoollatuska siyaasadda ayaan kamid ahayn dadkii Shaiifka ku soo dhaweeyay Baydhabo, taasina waxa ay muujisay in Shariif  Xasan Sheekh Aadan lumiyey mid kamid ah saaxiibada xukunkiisa, waxaana suuragal ah in khilaafkani astaan u yahay in Shariifku uu wajahayo xaalad adag oo aysan suuragal ahayn hadda  in uu keligi maareeyo.

Siyaasiyiin iyo saaxiibbo ku dhow Shariifka ayaa sheegay in hadii Madaxweynaha  waqtigiisu dhammaaday ee KGS uu waayo Taliyaha booliska Koofur Galbeed ay tahay dharbaaxo weyn oo ku timid ololihiisa dorashada, taas oo u gogol xaareysa guuldarro uga timaadda doorashada November ka dhaceysa KGS.

Mahad C/raxmaan Aadan ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa dadka ugu dhow ee u sacabba tumi jiray Shariif  Xasan, waxa lagu xasuustaa in uu Baydhaba ka mamnuucay in ay tagaan dadka mucaaradka ku ah Shariif  Xasan, Xiligaas waxa uu ahaa Mahad taliyaha booliska Gobolka Baay.

" Ninkii Shariif Xasan ka soo horjeedow Baydhab ha isku iman” ayaa SG Mahad u ahaan jirtay halhays, balse maanta arrinku waa isbedelay sidaas awgeed Shariif Xasan oo muddo ahaa ciyaar yahan dhanka siyaasadda ah ayaa hadda waxa saran culeys iyo canaab siyaasadeed oo ay adag tahay in uu ka badbaado.

Xildhibaano katirsan KGS ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in khilaafka labada nin uu salka ku hayo amar kayimid dhinaca hoggaanka Booliiska Federaalka ,kaas oo sheegayey in ciidamaduu ay ka fogaadaan ololaha doorashada iyo siyaasadda, waxa kale oo kamid ah  Sababaha ugu weyn ee dhaliyay Khilaafka horseeday Shariif Xasan oo hadda u dhaqmaya hab si walba uga duwan sidii lagu yiqiin, dhaqanka cusub ee shariifkana waxaa sabab u ah  jiritaanka olole saf ballaaran  oo ka dhan ah Shariifka, kaas oo ka socda gudaha iyo dibadda KGS .

Dad xogogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Shariif  Xasan uu dhowr jeer isku dayay inuu la kulmo Taliyaha  oo ay wada joogaan Baydhabo, balse uu iska diiday xitaa in uu kajawaabo Taleefankiisa gacanta, taas oo banaanka u soo saartay heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka jira.

Shariifka oo garowsan baahida uu u qabo Taliyaha Booliska Koofur Galbeed Janaraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa xal u helista khilaafkooda u xil saaray gacan yarihiisa ahna Wasiirka amiga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay)

Xubno ka agdhaw Taliyaha booliska Koofur Galbeed ayaa iyaguna soo sheegaya in Khilaafka labada Masuul ay qeyb ka tahay  lacag badan oo lagu soo qaaday magaca booliska oo uu Shariif Xasaan u adeegsaday arrimo isaga u gaar ah, iyada oo Ciidamada kala duwan ee Koofur Galbeed aanay  mushaar  qaadan mudo dheer, halka ciidan loo tababaray degmooyinka KGS uu shariifku amray in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka maaddaama maamulka uu madxada ka yahay uusan muddo dheer mushaar iyo gunno midna siin ciidankaas.

Xildhibaan katirsan KGS ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in Shariifku uu wax ku doonayo hab adag oo ah hanjabaad iyo awood ciidan, taasina aanay ahayn wax  shacabka iyo dowlad-goboleedka KGS ka gadmaya sidaas awgeed ay suuragal tahay in Shariifka oo muddo 14 sano ah ahaa laacib siyaasadeed uu noqdo Lumiye siyaasadeed (Loser) marka la eego odoroska dadka siyaasadda iyo habka ay u socdaan ololaayasha doorashada KGS

Shariif Xasan ayaa markii ugu horeysay ee magaciisa lagu maqo siyaasadda waxa uu kamid noqday Baarlamanakii 8aad oo ahaa kmg sanadkii 2004, waxa uu noqday guddoomiyaha golaha shacabka xilligii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, isaga oo xilligaas billaabay fowdo iyo rabsho dowladda dhexdeeda ah, waxa uu ku biiray garabkii Asmara ee dib u xoreynta Soomaaliya, isaga oo la baxay Baarlamaanka xorta ah.

Xigasho Idaacada Mustaqbal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc