WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA OO SI RASMI AH LOOGU CASUUMAY XAFLADDII QUBURADA ADDUUNKA CILMIGA CASRIGA EE KA DHACAYSAY DALKA JARMALKA!!

0
Sunday September 09, 2018 - 10:15:13 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA OO SI RASMI AH LOOGU CASUUMAY XAFLADDII QUBURADA ADDUUNKA CILMIGA CASRIGA EE KA DHACAYSAY DALKA JARMALKA!!

    Warbaahinta qarnigan xoogga badan ee ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation ayaa si rasmi loogu casuumay xafladdii qubarada adduunku ku takhasusay cilmiga casriga dunidan maanta laga isticmaalo, taasoo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta qarnigan xoogga badan ee ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation ayaa si rasmi loogu casuumay xafladdii qubarada adduunku ku takhasusay cilmiga casriga dunidan maanta laga isticmaalo, taasoo ka dhacaysay magaalada Tuttlingen ee dalwaynaha federaalka Jarmalka.

Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen madaxda iyo hawl-wadeenida cilmiga shucaaca dhawrka kuno ruux dunidan maanta kaga hawlan taabbagelintiisi kana kala yimaadeen wufuuddu qaaradaha adduunko dhan sida:-Ameerika, Aasiya, Awustarasliya, Afrika iyo Yurub, ayaa intii ay socotay xafladdani waxaa lagu soo bandhigay dhaqamada kala duduwan ee dadyowga caalamku ooy ka mid yihiin suugaanta iyo qoob ka cayaarka iyo waliba afafka.
Kulankan caalamiga ah oo warbaahinta lagu casuumay, ayaa Soomaaliya waxaa u matalisay Southern Media oo noqotay saxaafadda qura Soomaaliya ka socotayo goobtaasi si rasmi loogu casuumo, waxaana halkaasi ay ka soo qaadday muuqaallada aad ku arki doontaan qaybaha hoose ee bogagga wararka dhamaan saxaafadda Koonfureed.


Walow kooxo kala geddisan kala qaarad ah meesha la isugu keenay caddaan iyo madowba is ixtiraamku siyaada yahay, waxaa  dadkii martisharafka ahaa xafladda soo buux dhaafiyay ee uu dareenkoodu aragga aad u soo jiitay kooxdii madowga Afrikaanka ahayd, kuwaaso wacdaro aan la arag hiddaha iyo dhaqanka qaaraddeena Afrika meesha si wayn ugu soo bandhigay, kolkaasoo ka soo qaybgalaashii waddamada fogfog iyo kuwa dhow dhowba ee xafladdu ay sacabka iyo sawaxanka farxadeed ay kala daysan waayeeno. Goobta waxaa jiray iyana fanaaniin mareykan iyo reer Yurub isugu jira heer caalmi ah, kuwaaso iyana heeso caalami ah masraxa ka qaaday si toos ah, waxaana xusid mudan in warbaahintii caalamiga ahayd goobtaasi ku sugnayd ay wariyaashu waji furan ku soo dhowaynayeen kolkii loo sheegay in Southern Media Co-Operation oo dalka Soomaaliya ka socotaaay meesha ku sugantahay, iyadoona labadaraale saxaafaddii halkaasi horay u sii joogtay ay tilmaantay in la yaab wayn ku tahay Soomaaliyo ku dhowaad 30 sanadood dagaal uu ka socday in warbaahin ka socotaa dowlladina aanay hiil iyo hoo toona ku garab taagnayno iyadu iswadda ay kullankan caalamiga aanay sahlahayn ruux kastaa inuu soo galo ay ka soo qaybgasho, iyado fushanaysa waajibkeeda mahiinadeed ee saxaafadda.
Xafladda xarunta wayn oo ay ka dhacaysay kumaanka kuno ruux ka hawlgalaan oo qaarad qaarad loo dajiyay dadku, misna, iyago isku milan kulanku meela qura ahaa, ayaa waxaa uu ku soo idlaaday jawi aad u heer sareeya la isuguna sheegayay guusha bini aadamku uu cilmiga shucaacu inta badan aaladaha casriga u adeegsado uu ka gaaray iyo halka uu sii hiigsanayo ka miradhalinta cilmiga kale badda ah ku tacluqa ka aynu haatan kor kaga soo sheekaynay mustaqbilka.

Gaariyaa ninkeedaa gayaamis jecel gogoshu yaqaanaase amar Alle laakiin!!
By: Suxufiga Lugeeya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc