
WAA SU'AAL DARANO SHIIKH ILYAAS CALI NUUR SHALAY IYO MAANTA KEEBUU SHEEKH YAHAY LAAKIIN!!
Waxaan joognaa Adduunyo Doolarku sareeyo oo dadkii Soomaaliyeed Sheekh & Shariif meeshii Doolarku galo laga daba galaayo, iyadoon la fiirin Xalaal & Xaaraan kuu yahay. Maalmo ka hor waxaa Tv – ga iyo muuqaal-aragga kasoo muuqday Sh.Ilyaas Cali Nuur oo ku milmay koox fanaaniin ah magaalada Baydhabo Janaay ee gobolka Baay, Sheekha oo caan ku ahaa Tv -yada Soomaalida laguna xasuusto Xaafid-quraan cod macaan oo caruurta yaryar Quraanka & Tajwiid bara.
Qoob ka ciyaarka Sheekh Ilyaas kasoo muuqday ee uu ku casuumay
fanaanin qurba joog ah oo bandhig faneed ku qabtay Baydhabo, ayaa dad
badan siyaabo kala gedisan u falanqeeyeen iyagoo ay la yaab iyo
filan-waa ku noqotay qaabta iyo qoob ka-ciyaarka Sheekhu kasoo dhex
muuqday.
Hadaba marka laga yimaado bandhig faneedka iyo waxa shareecada
islaamku ka qabto ( Xalaal & xaraam) midkuu yahay. Waxaan shaki ku
jirin in Qofka Xaafid Quraanka ah uu xambaarsan yahay Kalaamkii Ilaahey
ayna tahay inuu sida Allah ugu sharfay Xifdin Quraanka uu sharafta iyo
maqaamka Quraanka kariimka uu ilaaliyo.
قال الفضيل بن عياض”حامل القُرآن حامل راية الإسلام؛لاينبغي أن يلهوا
مع من يلهوا،ولايسهو مع من يسهوا،ولايلغوا مع من يلغوا تعظيماً لحق القرآن”
Fudeel ibn Ciyaad ayaa yiri: "Qofka Xaafid quraanka wuxuu
xambaarsan yahay oo uu calanka u sidaa islaamka oo dhan, mana ku haboona
inuu Maalaa-yacniga wax ka walaaqdo, ama inuu kuwa marqaansan la
marqaamo , ama inuu kuwa Laqwiga ku jira kamid noqdo iyadoo la
weynaynayo xaqqa Quraanka kariimkaa ".
Ujeedada qoraalkaani maaha mid aan Liifka ku saareyno ama aan ku
af-lagaadeynayno Sh.Ilyaas balse waa waano iyo xasuusin oo kaliya, waayo
waanada walaalka waa ku waajib qof kasta oo muslim ah.
Illaahi nebi Ciise cs cilmigiisa ku beeroow cashaduu iman doonana cawar seefta ugu dhiibayoow Shiikh Ilyaasna laakiin!!
WAA SU'AAL DARANO SHIIKH ILYAAS CALI NUUR SHALAY IYO MAANTA KEEBUU SHEEKH YAHAY LAAKIIN!!
Waxaan joognaa Adduunyo Doolarku sareeyo oo dadkii Soomaaliyeed Sheekh & Shariif meeshii Doolarku galo laga daba galaayo, iyadoon la fiirin Xalaal & Xaaraan kuu yahay. Maalmo ka hor waxaa Tv – ga iyo muuqaal-aragga kasoo muuqday Sh.Ilya