WAJI BADAN JIRJIROOLE WASIIR C/FITAAX GEESEY OO RAADADKIISI LA SOO HELAY!!

0
Sunday August 19, 2018 - 21:15:01 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAJI BADAN JIRJIROOLE WASIIR C/FITAAX GEESEY OO RAADADKIISI LA SOO HELAY!!

    Si guuxa dadweynaha baraha bulshaduna ugu batay warka iyo waxqabadkiisi masuulku, su'aalihii la iska warsaday mid ka mid ah su'aashii ugu weynayd waxay noqotay, waa kuma C/Fitaax Ibraahin Geesey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si guuxa dadweynaha baraha bulshaduna ugu batay warka iyo waxqabadkiisi masuulku, su'aalihii la iska warsaday mid ka mid ah su'aashii ugu weynayd waxay noqotay, waa kuma C/Fitaax Ibraahin Geesey?


Dabcan waa su’aal u baahanaysa jawaabteeda in looga faalloodo waqti aad u badan, balse haddaan isku dayno inaan soo koobno dulucdu ay dadkuna si saraaxad leh wax ugu fahmi karayaan. C/Fitaax Ibraahin Geesey oo ku magacaaban xilka gudoomiyenimada gobolka Baay oo in muddo ah xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ku sugnaa, waxaa goor barqa isagoo booshash badan iyo qori AK47 wata uu magaalada Baydhabo la soo galay ciidamadii deegaanka iyo kuwii dowlladda federaalka Soomaaliya ay gelbinayeen 80 gaadiidka gaashaman ee milatariga Itoobiya, kadib markii ay magaalada ka saareen ururkii Al-Shabaab ku dhowaad afarta sano ka talinayay halkaasi.

C/Fitaax Ibraahin waxaa lagu eedeeyay waqtigaasi sida taariikhdu ay xusayso in shacabka si naxariisdaro leh uu ula dhaqmay kana dhigay wax xabsiyada uu dhigo, wuxuu jirdilo iyo wuxuu baladka ka saaro, isago xiligaasi ku faanayay awoodda ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay magaalada wax nuuxsado in laga waayay goortaasi.


 Isago haya jagada gudoomiyenimada gobolka, Geesey waxaa uu ka mid ahaa xubnihii masuuliyinta ugu firinfircoonaa gogoshii iyo dhisiddii dowlladda 6da gobol Koonfurta Soomaaliya ee loo fadhiyay magaalada hoolkii ADCda, wuxuu hormood ka ahaa mudaharaadyadii Shariif Xasan iyo Xasan Shiikh lagaga soo horjeedaay ee lagu diiddanaa kalagoynta gobolladan 6da ah, halkaasina Mudane Gessey waxaa u ku kasbaday sumcad aad u wanaagsan, balse maxaa xigay waa su’aal ka mid ah su’aalaha aas aasiga ah oo ku foorara masuulkani.

Geesey sidi loo ogaa isago lixey Lix ku haya, waxaa la arkay isago u dhuuntay Muqdisho kana soo muuqday shaashadaha qalin uu ku dhagganyahay uu saxiixayo inay 3 gobol qaateen, halkaasina waxaa kow ay kaga burtay waysada, kadib markuu dhaafsaday sumcaddiisi iyo halganka raganimadiisi sandareerto aad yar.
 Ninka sidaasi samaynaya waa qof u soo tartamay madaxweynenimada 6da gobol Koonfur Soomaaliya noqdayna wasiirkii arrimaha gudaha dowlladdaasi, kadibna goortuu Xirtii Shariif Xasan ku biiray, wuxuu haddana noqday wasiirkii amniga 3da gobol.
 Siduu wasiir u ahaa waxaa uun laga war helay Geesay oo u taagan xilka guddoonka baarlamanka federaalka Soomaaliya kana soo horjeeda Shariif Xasan Shiikh Aadan aadna u daafacaya Proff Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid, C/Fitaax Geesey oo isu tusa bulshada inuu muwaadin dhab ah u dooda yahay una dagaallama xuquuqda iyo daafaca dadka iyo dhulka Koonfurta Soomaaliyada Dulman, in xiligii 6da gobol gogoshii Baydhabo loo fadhiyay ADCda odayaal 7 shirka qayb ka ahaa Baay ka soo baxay ku sii jeeday gobolka Shabeellaha-Hoose dhexda lagu gow gowracay aanu ka tacsidaynin, kana tacsideeyay una tacsidayeeyay dadkii Shabaabka ahaa beeraha Islaameed xoogga ku haystay Bariire lagu laayay iyo inuu afkiisa uu ugu hiilliyay weerarkii qabqablayaasha Xamar dowlladnimada diiddanaa dowlladdu ay iska qaadday isbaarooyinkooda sida:-

C/Raxmaan C/Shakuur oo habeenkii hoygiisa makriga ku maleegayay la weeraray uu Geeseyna kuwaasi gurigooda la joogay, isagoo gadaal iska mariyay xilkii loo soo igmaday si loo samatabixiyo shacabka ku dhibaataysan dhulkan webiyadu aadka loo ixtilaalay intaasa badana dad aan dadkiisa ahayn dool ah ay xoog ku haystaan kuna amartaagleynayaan sanooyin farabadan.

Dadka aadka u yaqaan C/Fitaax Ibraahin Geesey waxay ku tilmaamaan inuusan masuulba noqon karin, maxaa yeelay bay leeyihiin, Geesey waa nin balwaddu dillootay  Degaanasiisa iyo Dadkiisaba  aanu ka warqabin dayacay ka muqda sida mar kale ay tusaaleynayaan dadka dabagura C/Ftitaax Geesey, waxay ku doodayaan inuu yahay Qof aan Mascuuliyed Lagu aaminikarin  in laga fahami karo Habdhaqankiisa  waa siday hadalka ay udhigeen.

Qofka muwaaddinka ah waxaa uu xaq u leeyahay in la doorto iyo inuu wax doorto si nadiif ah C/Ffitaax Geeseyna waxaa uu ka mid yahay muwaaddiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan ka soo jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya, shaki la’aan xaqbuu u leeyahay in si xalaal ah xil loogu doorto isna uu wax u doorto, balse waxaa isweydiin mudan qofka intaaso khayaano ah u geystay shacabkan masaakiinta ah dhibaateysan meel kasta duullaanka looga soo qaaday washamsida lagu qaadayo wajiyada badan leh mar kale haddana malagu sii aamini karaa masiirka hoggaamineed dadweynaha  Soomaaliya, muxuuse ku dambeeyay sida la ogyahay C/fitaax Geesey waxaa la ogaa isago la safnaa afhayeenkii hore ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya?

Iyadoon arintii Afhayeen jawaari markii horaba run kama eheeyn waayo iyadoon arintaasi meel u dhicin ayuu markiiba ka soo dhax-muuqdat dhinaca kuwii waday mooshinkii lagu ridaayay Prof.JAWAAREEY , wuxuu shaa-shada ka soo muuqday isagoo dhinac taagan khadiija Maxamed Diiriye oo aan ognahay Af lagaadadii ay u geeysatay Qoowmiyada Digil iyo Mirifle , ka dib markii la ogaaday in uu caamil yahay ayaa loo magacaabay waziirka Howlaha guud iyo guriyeeynta,

Hadaba su’aalaha ay is weeydiinayaan Shacabka koonfur galbeed soomaaliya oo maankooda iyo caqligooda ka weeynaaday waxa ay tahay , oo caamilnimada C/taaxx geeseey cadeeyneeysa shalay markii shaa-shadaha Talafashinada uu la soo istaagay waxeey wasaaradeeyda shaqaaleeysiineeyso Todoba boqol (700) oo Dhalinyaro wuxuuna u qoondeeyey  sidan :-

1-Maamulka Puntland 250 Dhalinyaro

2-Maamulka Jubaland 250 Dhalinyaro

3- Gobolka Banaadir 200 Dhalinyaro

Hadaba C/taax geeseey soo lama dhihi karo ama yahayba LAX DHUKANI ABAAR MOOG ka dib markii uu arki waayay uuna dareemi waayay Qoondadana ku darin waayay Dhalinyaradii ka soo jeeday koonfur galbeed Soomaaliya  ee uu magacooda ku matalaayay Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo kan waziirada ugu danbeeyntii waxaan leeyahay xildhibaan Geeseey ogaaw (Charity begins at Home)

By Dr Xaaladaha




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc