PR0FF C/LLA MANSUUR OO BURHAANTIISA BOROFIISARADA NAAFAYSA LA SOO BAMBAXAY SHIRKII LUUQADAHA EE BORAS SWEDEN!!

0
Saturday August 18, 2018 - 09:11:34 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PR0FF C/LLA MANSUUR OO BURHAANTIISA BOROFIISARADA NAAFAYSA LA SOO BAMBAXAY SHIRKII LUUQADAHA EE BORAS SWEDEN!!

    Sheekaba sheekey keentaayo Balcad waxay ku taalaa waqtooyiga Muqdisho qayaastii meel u jirta 30 KM, nin reer Balcad ah ayaa baabuur ka mid ah baabuurtii dusha laga rari jiray ku socda caasimadda Xamar ay ka buuxaan xayn reer waqooyi ah safarkiisu isl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheekey keentaayo Balcad waxay ku taalaa waqtooyiga Muqdisho qayaastii meel u jirta 30 KM, nin reer Balcad ah ayaa baabuur ka mid ah baabuurtii dusha laga rari jiray ku socda caasimadda Xamar ay ka buuxaan xayn reer waqooyi ah safarkiisu isla waqooyi gaarigii soo raacay, ninku kaligii ayaa waqtigaasi dool ka ah inta gaariga saaran, safarkii intii lagu guda jiray qolyihii reer waqooyiga ahaa sheekooyin bay qabsadeen waa rag isfahansno isna war yaqaane qosolkoogaa baxaaya, ninkii reer Koonfurka fog ahaa wuxuu isku dayaa bal inuu sheekada iyo hadalku uu la wadaago jameecada baabuurka ay wada saaran yihiin, hadba goortu hadalku ku darsan maago, intuusan ereyna dhihin baa waxaa lagu shubbiiyaa nebiga ku salli, yacnii qaar ka mid ah kooxdii ay wada socdeen, balse aanay ku war darsan diiddo ay diiddan yihiin inuu ku soo war darsado aawadeed, kolkuu soo hadli maagaba ninkii ay ku yiraahdaan si warka loogu celiyo "waryee nebigaaga ku salli," haddaba, adigo qof muslim ah lagugu yiri nebigaaga ku salli, miyaad aamusnaan karaysaa, amaba (Maya) oran kadhaa,? jawaabtu waa maya mar kale, haddaba ninkii wuxuu yiraahdaa marka nebiga ku salli la yiraahdo "Allaahu Masali Calaa Sayidiinaa Maxamed," hadalkiisuna halkaasi ayuu lagu hakiyaa hakadaa, iyadoo intii safarka lagu jiray oo dhami kolkuu soo hingado hadli maagaba sidaasi lagu shibbinayay.


Gaarigu wuxuu soo xawaareeyaba ee uu shaaggiisu soo wareegtaba, waxaa goor subaxa la soo gaaray meel u dhaxaysa Jowhar iyo Muqdisho, iyado wali sheekadii ay taxanaha ahayd jidka lagu marayay socoto qosolkuna baxayo, wadaadkii Balcad markay soo muuqatay ee uu xquuqsaday ayuu hadli maagay, qolyihiina isla siday ku soo samayn jireen ayuunbay kula dhaqaaqeen, oo waxay ka yiraahdeen "war nebigaaga ku salli." kolkaasi, ninkii oo kaslooni isku tabaya bacdama dhul uu yaqaan soo gaaray lana marayo uu qolyihiin ku yiri "mugga idinkaa ku sallahaaya," taasaana macquul ah haatana Borofiisar Maayow kalkan, adinkaa fadhiga ku kaadshaysaan, ku astajoonaysaan, ku wayso qaadanaysaan, kuna sallinaysaan nebigiini.

Proff C/LLa Mansuur oo ka mid ah borofiisarada luuqadaha turxaanbixintooda heerka ugu sareeya aadmi ka gaari lahaa ka gaaray maanta caalamkan ku nool in badana dhawaqa magaciisu aaladaha wararka waayaradu gudbiyeen warlalisyadu kaashanayaan, waxaa uu sanadkan ka qayb galay shirkii caalamiga ahaa horumarinta afkeena Soomaaliga Maayga iyo Maxaga lagu qabtay magaalada Boras dalka Sweden ee galbeedka qaaradda Yurub.
Borofiisar Mansuur oo aqoon durugsan u leh kala dhig dhigidda isku xiryada xarfaha iyo ereyada afafka naxwiyan ilaa iyo imikadana wax ka dhiga jaamicad ku taal waddanka Taliyaaniga oo ku qurnaa muxaadirada maalinta 2-aad ee shirka, oona aad loo wada suggayay maykaroofan qabsashadiisi, ayaa waxaa uu halkaasi ku soo bandigay burhaantiisi ugu waynayd naafaysa borofiisarada noole-noolayaasha ah, iyado khudbaddiisi akadeemigga ahayd ay gaxoobatay gaararka wadnaha dadka jeclaysigay u jeeloonaadeen hilowga warkiisu ilaa iyo haddada tan qalbiyadoodu ka bidhaan dhuxuluhu xusuusta aan go'in hilib lagu bislaystay.
Dr C/LLa Mansuur bare sare, mutacaliim, kabiirka borofaysarada, ustaadka caalamka geeska Afrika, ayaa khudbaddiisi uu ku sharaxayay faraha afkeena Soomaaliga Maayga iyo Maxagu, laga dhadhansanayay weerihiisi heerka balaaqada, ama fasaaxadda dhacsiinta dulucda dhuuxa xarafka uu sharaxayo lakab ahaan ereyga qaabkuu ugu kabmayo muftinimada luuqadaha heerka uu ka gaarsiisan yahay, iyado shaki la'aan ay ahayd khudbaddiisu inay noqonayso tii ugu saamaynta badnayd dhamaan khudbadihii shirkaasi horumarinta afkeena Soomaaliga ee Boras Sweden laga soo jeedinayay, waxaana mar kale taasi ay ina tusaysaa, Proff C/LLa Mansuur inuusan hawaawi iyo hees hees, dhaanis gabareed wax u dhigma meesha uusan la fadhin, balse daraasad cilmiyeysan miisaan ku fadhida maanka miirku qabo miskexiyan bilaa muruq iyo mishiin loogu shubi karayo isagoo macaansanaya ceejana lagu qaban ruuxu.
Inkastooy shirkaasi caalamiga ahaa qaar ka mid ah isbaaroolayda qalinka ee qarnigan ay qabsadeen, doodihii hareeyay, Borofiisar C/LLa Mansuur waxaa uu isaga caabbiyay si dhiifooni leh ay dadkii doodaha qabay jawaabahooda shaafoon uu u liqsiiyay si saraaxad leh mugdi mudgina aanu ku jirin, iyado ee uu Dr Mansuur soo jeediyay in farta afkeena Soomaaliga Maayga haatan qoran ay adag tahay, gudboon tahayna in la fududeeyo si qormadeeda aan loogu dhibtoon, maxaa yeelay buu yiri datoorku war u dhigma in "dadku aanay iskuul soo wada dhigan", uu ula jeedo maaliyinta muwaaddiniinta ah lala doonayo inay afkooda fartiisi ay wax ku qortaanooy si toosa u isticmaalaan.
Proff-ku wuxuu tala ahaan u soo jeediyay in xarfaha qaar ee farta wax laga dhimo oo laga saaro sida tusaale ahaan:- Xarafka (Th) ee uu yiri meeshii laga isticmaali laahaa laga adeegsan karayo (Hal D), wuxuuna tusaale u soo qaatay in meeshii laga dhihi qori lahaa (Athy) adiga, loo qori karayo (Ady), iyado haddii Xarafka (D)da la adkaynayana loo adeegsan karayo laba (DD), dooddiisaaso cilmiyaysanoona noqotay mid aad u soo jiidatay dhamaan qubaradii ka soo qaybgashay shirka goobtaasina fadhida iyo dhamaan inta badan bulshawayntii daafaha dunida sida tooska ah uga daawanaysay dhaguugaysayna khudbaddaasi dooddeedu masiiriga ahayd.
Khudbaddaasi intii ay socotay maalintii labaad ee shirkan cajiibka ahaa, oo aadna mooddo in uu ugu xiisaha badnaa kolkii borofiisarkan qaaliga ah, qiimiga badan, qaayaha wax loogu laray, qarada wayn uu masraxa taagnaa, waxaa ishu ay qabanaysay sida warbaahintu tooska u tabaninaysay madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo ka mid ahaa aqoonyahanadii su'aalaha afuufayay oo ay isku soo boodayaan hab isa siinaya isaga iyo Proff C/LLa Mansuur si walaaltinimo iyo jacayl leh, waxaana waliba salaanta la hormaray khudbadda kadib, Dr Amaandhoorey oo intuu dhaqaaqay Borofiisar C/LLa Mansuur fadhigiisu ugu dul tagay madaxana ka dhunkaday waynaha awgeed, iyado geesta kalana Dr Mansuur uusan kursigiisu kaliya iska sii fadhinino uu intuu kor u soo kacay booday hab xabadka gelshay Dr Amaandhoorey, taaso mar saddexaad muujinaysa karaamada isjacaylka iyo walaaltinimada ay isu qabaan dadka aqoonta leh, oo ay kolka qalinka isaga hor yimaadaan nimcada miskexdooda dhex hurudda u roga qur ah inay ummadda ugu faa'ideeyaan, balse aanay u dhaqmin sida juhulada oo kale, ooy goortay isqabtaan gacan-ka-hadalku ka soo horaynayo.
Proff C/LLa Mansuur ayaa hab dhaqan dhaqankiisa hadduuna dib ugu yara noqono ah, qof aad u asluub badan ixtiraamku uu ka gaarsiisan yahay heerkii quraanka lagu sheegay rasuulkuna cs u dardaarmay aadmigu inay isu karaameeyaan, waana ruux diintu ay wajigiisu ka muuqanayso, iyado marka uu kula hadlayo, ama, uu kuu jawaabayo aad ka dareemaysid hadalkiisa naxariista leh inuu ka mid yahay dadkii wan wanaagsanaa ee Quraanka lagu xusay xiliganna dunidu ay ku yar yihiin joogitaankeeda joogitaankooda joogadeena sabaan-aakhirku.
Guntii iyo gabangabadii, war uu yiriyo wayn, waxaa xusid mudan jumlad taariikhda gashay war lagu soo celcelshay "Ma waxaad doonaysaan in fartiina Soomaaliga Maaygu ay idiin qoraan qolyaha kale ee aan Maayga ahayn Maxaga u nasabka sheegta,?" inkastoo cadaadis dhanka mikrofoon-qaybintu ay jidhay, Proff C/LLa Mansuur, walow dad fara badani si faramarooqsi leh maykaroofanku ku helaan, ayaa haddana dadkaasi su'aalaha waydiiyay waxaa ka mid ah sida:-dhallinyaradii dhiigga lahayd taariikhda Koonfurtu ay xusi doonto intuu Illaah doono Mudane Maxamed Khadar, Marwo Bahja Bad-Baadiso, Marwo Sahra Maxamed Nuur, Mudane Diini, Mudane C/Qaadir Shariif iyo Mudane Maxamed Xaaji Mukhtaar (Proff Istaag) oo aakhiritaankii dood lahjaddeedu korayso dhan waliba isugu jidha dabadeed, soo saldhigatay isa salaamid kal iyo laab ah, iyadoona kabiirka borofiisarada afafka qarniga ee geeska Afrika Mudane C/LLa Mansuur isagoo la jecel yahay imaanshiyaha iyo khudbaddiisu taariikhda gashay dhamaanshiyaheeda kadib, sacab iyo sawaxan aan kala go' lahayn masraxa lagaga sii sogootinayay siday indhuhu arkayeen
Proff C/LLa Mansuur burhaantiisu borofiisarada naafaysa bidhikaalaha bannaaxisa ruux bartay baa baray barteeduna dhigay baalasheedu amar Alle laakiin!!
By:Ustad Adam


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc