MADAXDA WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA OO U MAHADCELIYAY DHALLINYARADII DHIIGGA LAHAYD BORAS SWEDEN AADKA UGU GURMADDAY MARTISHARAFKII SHIRKA!!

0
Monday August 13, 2018 - 15:37:37 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXDA WARBAAHINTA KOONFURTA SOOMAALIYA OO U MAHADCELIYAY DHALLINYARADII DHIIGGA LAHAYD BORAS SWEDEN AADKA UGU GURMADDAY MARTISHARAFKII SHIRKA!!

    Kadib todobaad safar shaqo qaranimo ku dheehan tahay ay warbaahinta ummaddu leedahay ee Southern Media Co-Operation ugu maqnayd magaalada Boras waddanka Sweden ee galbeed Yurub, waxaa soo guri-noqoshadeeda dabadeed ay madaxda warbaahintu ee uu hoggaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib todobaad safar shaqo qaranimo ku dheehan tahay ay warbaahinta ummaddu leedahay ee Southern Media Co-Operation ugu maqnayd magaalada Boras waddanka Sweden ee galbeed Yurub, waxaa soo guri-noqoshadeeda dabadeed ay madaxda warbaahintu ee uu hoggaaminayo Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey ay go'aansadeen inay u mahadceliyaan dhamaan martigeliyaashii iyo martidii daacadda ahayd ee shirka horumarinta afkeena Soomaaliga Maayga iyo Maxaga magaalada Boras Sweden, gaar ahaan dhallinyaradii aan dadaaladooda waddaniyadda leh ee aan la ilaawi karin oo ay taariikhdu in badan xusi doonto sida:-Marwo Bahja-Badbaadiso, Khadar, Shamso Mursal, Mudane Aadan C/Nuur, Abwaan Cukaash Sugow Maxamed, Mudane Mukhtaar Afgaay iyo qaar kalo badanoon magacyadooda halkan aynan ku soo koobi karin.


Hormoodka warbaahinta tiimkeeda oo ku kulansaa hooyga wariyaha jugta culsus suxufiga lugeeya ee Ustad Adam Increase ahna studio-yaha 3-aad qaaradda Yurub, ayaa waxaa barnaamijka mahad-naqa uu daandahaynayay wariye sare Fahad Maxamed Abuukar Abowasharow furay Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo sida runta ah aad iyo aad si aan horay loo arag ugu mahadceliyay dhamaan jaaliyadda Koonfureed dalka Sweden iskuduuban wanaaggii iyo waji furnaanta dulqaadkii ay muujiyeen qabsoomidda shirkii caalamiga ahaa oo ay ka soo qaybgaleen wufuudda ugu badan abid shir nuucaan ah reer Koonfureedku ay ku isugu yimaadaan qaaradda Yurub.

Aadan Inguriis oo isna geestiisi ka mahad-naqayay ayaa ku nuux nuuxsaday in sinaba aan loo halmaami karin dhallinyaradii dalka Sweden ay ku soo arkeen waddaniyadda ku jirta iyo dadaalada laba lexaad jibaaran ay ugu muujinayaan martida horumarinta dantooda guud iyago xoog iyo maalba u huraya hawlaha qaraamiga ah ummaddu wada leedahay, taaso tusaysa in reer Koonfurku kolkan aanay ahayn reer Koonfureedkii waayihii dhexe kufkufidda lagu yiqiin, balse ay bulshadani u soo baxeen haatan dhallinyaro boqolkiiba boqol aad la isugu hallayn karayo diyaarna u ah inay xitaa naftooda u huraan ka mira dhallinta mabaaddiida ahdaafta guud ku qotanta ku naaloonshiyaha qaranimada iyo xoriyad ku joogga shucuubtan webiyada kulaasha kuna hadasha luuqadda Soomaaliga hodanka ah ee Maayow Maayga maraan dhowaybase faquuqa loogu haayay sabata daciifka ah, yacnii aawada afkoodi hooyo kii lagula soo dambar riday kaanu ka sheekaynay ee ah waxaan ahayn midka Maxaga.
Ugudambayntii kulankan oo madaxda saxaafadda ku bohowday Koonfurta Soomaaliya ay ugu mahad-naqayeen jaaliyadda sharafka iyo karaamada badan ee reer Sweden ayaa wuxuu ku soo beegmayaa wax yar uun kadib kolkii uu soo idlaaday shirkii horumarinta afkeena Soomaaliga Maayga iyo Maxaga magaalada Boras ee dalka Iswiidhishka, kaasoo doodihiisu ay hareeyeen sida qalibka ah sidii Soomaaliyada labada lahjad af ku kala wada hadasha ta Maxaga qoran mooyaane, ta maayga dastuuriga ahna far midaysan si dowlliga ah loo hirgeliyo lagaga mira dhallin lahaa natiijadiisu, waxaana mahad-naqaaso muuqaal si fiican loo arki karayo laga daawan karayaa dhamaan qaybaha hoose qormooyinka warbixinada saxaafaddani ku midowday Koonfurta geeska Afrikada madow ooy dagaalada xiqdiga iyo xasudku isquusku ku badan yihiin teeriyo ku dhowaad muddo 30 sanadood ahna qaarkood maara looga la'yahay inay iska daayaan damaca iyo xadgudubyada dagaagnimada waalida hunguri marsiga ay ku doonayaan xoolaha iyo deegaanada qaarka kale fadhigooda loogu yimaado dulmi iyo daandaansi edabdarooyin ay u badan tahay aakhiritaanka in laga cabbi doono fuud aad u kulul duulshowgooda daallimnimada ah kuwa doolka ah xumaha daaran.
Dhaabad adag iyo inaad dhisataan maamul dhaqaaqaaya, dhan kaleeto kuma dhawrsanaysaan ama sharaf dhiciiniina amar Alle laakiin!!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc