ABWAANA AFMAAL KA CULUS WAX AFKA UUN LAGA SHEEG SHEEGTO CURINTIISA CAJIIBKA LEH ABWAAN CUKAASH SUGOW MAXAMEDNA LAAKIIN!!

0
Monday August 13, 2018 - 15:22:20 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ABWAANA AFMAAL KA CULUS WAX AFKA UUN LAGA SHEEG SHEEGTO CURINTIISA CAJIIBKA LEH ABWAAN CUKAASH SUGOW MAXAMEDNA LAAKIIN!!

    Warbaahinta qarnigan daalkaba aan looga baran Southern media Co-Operation oo dhoomaheeda wadata dhiilku ku raran yahay tiimkeeda lugeeya ee kor uu ka hoggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey, waxaa ay dhowaan boo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta qarnigan daalkaba aan looga baran Southern media Co-Operation oo dhoomaheeda wadata dhiilku ku raran yahay tiimkeeda lugeeya ee kor uu ka hoggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey, waxaa ay dhowaan booqasho macnawi ah siisay mid ka mid ah abwaanada qarnigan suugaantoodu libdhan wayday dadka waxtara abwaan Cukaash Sugow Maxamed oo daggan magaalada Orebro ee dalka Sweden.



Abwaankan aadka u qiimiga badan isku darsaday cilmiga diniga iyo ka maaddiga oona Illaahay hibada u siiyay curinta suugaanta kabiirka ah asluubtu ku laran tahay ayaa loo tiriyaa inuu ka mid yahay abwaanada farakutiriska ah afmaalnmadoodu dhamayska tirantahay, bacdama uu kala shubo si aan dhib lahayn isku si ah maansooyinka lakabkoodu sareeyo Maayga iyo Maxaga afkeena Soomaaliga ah.

Siduu horaanba u sheegay Abwaan C/Rixiin Galeyr suugaanyahanku, abwaan buuxo Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaami karayaa, afmaalka geestuu ka gaaraba isugu midka tahay luuqaadda Soomaaliga lahjadaheeda waawayn Maayga iyo Maxagu ooy lahjadaha kalo dalko dhami ay ku soo dabafaylayaan, sifadaasoona Abwaan Cukaash Sugow Maxamed kolkii ay ka soo daahir-muuqatay warbaahintu khasab ay ku noqotay inay hoygiisi ku yaal magaalada Orebro ee waddanka Sweden galbeedka Yurub ku booqato, islamarkaana wareysi aan caadi ahayn halkaasi kula soo yeelato.


Abwaan Cukaash iyo qoyskiisi oo si wayn u soo dhoweeyay warbaahintooda, ayaa wareysigiisu uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay saxaafadda oo gurigiisu ku soo boqotaymaqrkii ugu horaysay taariikhda, wuxuuna intaa ku sii daray, in suugaantiisu had iyo jeer loogu tala galay in bulshada Soomaaliyeed lagu toosiyo, yacnii lagu mideeyo, si loo helo is-ixtiraam wada-noolaanshiyo walaaltinimo dehab ah tilmaamaya, hab lagu badbaadin karayo qaranimada iyo dhaqamada kala duduwan shacbiga Soomaaliyeedo loo tiriyo inay aad ugu dhex kortay kuna qaangaadhay cunsuriyadda dhaqan dhaqan afeedka iyo midka midabeed, inkastooy beesha caalamku ay aaminsantahay Soomaalidu inay waxba ku kala geddisnayn, balse guduhu ay xaalad kale ka jirto siduu abwaankuba wareysigiisi kaga shanqarinayo.

Ugu dambayntii, Warbaahinta ku shuraakowday Koonfurta Soomaaliya ee geeska Afrika oo wareysiga intii ay la yeelanaysay Abwaan Cukaash Sugow su'aalo cul culus siyaasi ahna ay waydiinaysay, ayaa jawaabaha weydiimihii la warsaday waxaa uu kaga warcelinayay qaab suugaaneed, wareysigaaso aad ka daawan dhaguugi karaysaan dhamaan bogga hoose wararka warbaahinta Koonfureed haddii Rabbigu uusan maya oran.
Afmaallada aadaara abwaan Cukaash haddanu ku jirin alif macalin tiray baabay lahaayeen alifleydu amar Alle laakiin!!

By.Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc