SIYAASIGA RUGCADDAAGA DR CALI BAAB OO SI WAADIX AH U SHARAXAYA BARNAAMIJKA ISCAFISKA DEGDEGGA MUQDISHO KA SOO MUUQDAY MAALMAHANBA LAAKIIN!!

0
Monday July 02, 2018 - 06:06:08 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASIGA RUGCADDAAGA DR CALI BAAB OO SI WAADIX AH U SHARAXAYA BARNAAMIJKA ISCAFISKA DEGDEGGA MUQDISHO KA SOO MUUQDAY MAALMAHANBA LAAKIIN!!

    Goor sii horaysay isago karkaraya xanuunka u muuqda xisaabtii loo dabarogay 1960-kiishacbigu mid la mid ah aadna uga sii digaya inay khatarahaasi oo kale godadka halista ah mardambe aan lagu halligmin soo noq noqoshadooda, ayuu Dr Cali Cabdi Baab siy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goor sii horaysay isago karkaraya xanuunka u muuqda xisaabtii loo dabarogay 1960-kiishacbigu mid la mid ah aadna uga sii digaya inay khatarahaasi oo kale godadka halista ah mardambe aan lagu halligmin soo noq noqoshadooda, ayuu Dr Cali Cabdi Baab siyaasiga rugcaddaaga la loodin waayay wareysigiisi soconayay qayaastii muddoo 12 daqiiqadood Southern Media uu ugu sheegay shacbiga Koonfurta Soomaaliya inta badan dhulkooda iyo dadkoodaba la haysto inaysan sinaba ugu kedsamin barnaamijka siyaasadaysan waayahan baraha bulshada lala wareegayay oo miskex gumeysi gunnimo dooni u fariisteen aadna uga soo shaqeeyeen gudaha Villa Somalia Muqdisha, barnaamijkaaso ah wax loogu yeeray Iscafiska.


Dr Cali Baab oo si qotadheer leh u saafay macnaha uu xambaarsanyahay iyo qiddada waawayn limbanaya uunkan waxan wuxu iscafiskan degdegga loogu yeeray, islamarkaana gobollada loo gudbiyay, gaar ahaan dadka deegaamadooda aadka loogu fidshay xooggiisu wuxu ay u badanyihiin buldaanta Reer Koonfurku, ayaa cod dheer ku sheegay inay halis inteeda la eg aan la khayaasi karin uu isku guda huwanyahay barnaamijka Iscafisku, kaasoobuu yiri Dr Baab in uu la mid yahay amaba uu ka sii daranyahay wax yeeladuu geysan doono kii sanaddii 1960-kii HASBIYA loogu galay haddaan haatan si dhiifoonaanlihi looga wada hortagin.
Datoorku waxaa uu ku nuux nuuxsaday ee uu yiri "waayo dadka iscafinaya, ma nin gurigiisi iyo beertiisi xoolihiisi la haysto ee aan loo tagin lala fariisan wixiisina loo celin lagana dalbanin cafis miyaa hawada loogu sheegayaa waa la iscafiyay xoolihii noolo maqan si hantidiisi isago u nool loogu xalaalaysto,? "taasi waa dulmi kale cad," ayuu sii raacsaday Dr Cali Baab.
Sidaad wada ogsoontihiinba indhawaale dalka Soomaaliya waxaa ka socday barnaamijkan loogu magacdaray Iscafinta, kaaso dadka badankii aanay wada ogeyn cidda soo maleegtay iyo danta laga leeyahay, balse shacabka qalbiga nadiifka ah iska dulman weli ay run isaga qaateenooy liqeen, walow ay jiraan qaar yaro dhiifoon aan la marsiin karin iskudayadan guracan qaabka daran la doonayo in madaxa majaha loogu rogo quruuntan dulligu saanyaday jecel samaanta iyo dowlladnimada ee kulaasha dhulka webiyada waaweyn ee geeska Afrika Soomaaliya, haddaba aqristayaasha sharaftalahaw qiimigi iyo qaayaha wax dheer leh inta badan ku xiran warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya, waxaad wareysigaasi xaqsoorka lihi aad si tifaftiran isago cod ahi uga bogan kadhaan dhamaan qoraallada hoose ee warfidyeenada ugu afka dheer warbaahintaan kor ku soo xusnay.
Darxumada cadaawuhu watiyo dullligii yaa doonay Allaase deeqda bixiyee baadda naga doonay laakiin!!
By Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc